Kaftan Dhex Maray Madaxweyne Obama Iyo Muwaadin Hinaasi Ah, Oo Soo Jiitay Indhaha Warbaahinta

0
810

Picture1Chicago (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa kaftan aad u xiise badan oo soo jiitay indhaha warbaahinta la wadaagay gabadh u dhalatay dalka Maraykanka, xilli uu codkiisa ka bixinayey doorashooyinka xilli-badhka dalka Maraykanka Isniintii toddobaadkan. Sida uu sheegayo warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AP iyo talefishanka CNN, Obama oo markii hore u muuqday in uu iskii u mashquulsan yahay waxa uu kaftankaas bilaabay markii wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Mike Jones inta uu soo ag maray uu si digniini ka muuqato ugu yidhi, “Ha taaban saaxiibadday” haddana waxa uu ku celiyey, “Waan ku garanayaa in aad mudane madaxweynihii tahay, laakiin waxa aan ku leeyahay ha taaban saaxiibadday”

Madaxwynaha iyo Aia Cooper oo ah gabadha ninkan hinaasiga ah u doonanayd ayaa markaa uu hadalka ku yidhi is barbar taagnaa, balse mid kastaa gaarkiisa ugu mashquulsanaa kombiyuutarka cod bixinta ee hortiisa yaalla si uu u codeeyo. In kasta oo qofka arka marka uu ninkani ereyadan kakan ku tuurayey Obama u qaadan lahaa in aanu u jawaabayn, ama ugu yaraan aanu dhaqso u heli Karin jawaab ku habboon, maadaama oo digniinta ninkani ahayd mid kedis ah oo aanu sii filayn, haddana sidaas uma ay dhicin ee Madaxweyne Obama isaga oo dhoolla caddaynaya, balse ku foorara shaqadiisii oo aanu mar keliya kor uga tooosin ayaa uu ninkii ugu jawaabay, “Waad og tahay, runtii in aanan si run ah u qorshaysan arrinkaas… (In aan taabto gabadhan)” kadib Obama oo weli hadalkii muwaadinkiisa daba socda, isla markana muujinaya in uu daandaansigaas ka cadhooday ayaa sheegay in uu ninkaasi sabab la’aan ereyadaa xaqiraadda ah ugu yidhi, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa tusaalaha walaal; sabab la’aan ceeb ii saaraya… hadda waa sabab la’aan” Sheekadan xiisaha badan waxaa qabatay kamaradda talefishanka caanka ah ee CNN oo goobta taallay.

Madaxweyne Obama oo aan weli kaftankan lagaga naxsaday ka hadhin ayaa haddana hadalladiisii ku soo jiheeyey inantii oo iyadu bilowgiiba inta ay khajilaad awgeed si xun u qososhay raalli gelisay Obama, waxa aanu u sheegay in qudheedu hadhow ku faani doonto hadalladan uu saaxiibkeed ku soo tuuray, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Imika marka aad dib ugu noqoto gurigaagii, kollay saaxiibbadaa waa aad uga sheekayn doontaa arrintan” kadib inta uu ninka magaciisii iyada weydiiyey ayaa uu ku yidhi, “Ma filayo in uu Mike sidaa doqon u yahay… (In uu aniga iiga kaa shakiyey)” Intaa kuma uu joojin ee Obama waxa uu inantii ugu faanay in ninkeedu uu nasiib badan yahay maadaama oo aanu isagu ka jawaab celinayn hadal xumadiisa, waxa aanu yidhi, “Aad baa uu ii xaqiray. Laakiin nasiib wanaag, madaxweynuhu waa nin dhibirsan (Dabacsan), sidaa awgeed dhibaato malaha”

Intaa kadib, madaxweyne Obama oo sida muuqata isagu qaatay qosolkii u dambeeyey ee kaftankan xiisaha badan, ayaa markii uu hawshiisii codaynta dhamaystay, u soo dhaqaaqay dhinaca Cooper isaga oo qoslaya, kadib inta uu laabta soo gashaday oo uu dhabanka ka dhunkaday, ku yidhi, “I dhunko si ay ugu noqoto sheeko xiise badan oo uu ka sheekeeyo..” kadib waxa uu intaas ku sii daray, “Imikuu si run ah u hinaasayaa, haddaba”

Haweenayda ay qisadani ku dhacday oo mar dambe uu talefishanka CNN iyada iyo ninkan ay u doonanayd waraysi la yeeshay ayaa markii la weydiiyey sida uu dareenkeedu noqday markii uu hadalkan madaxweynaha ku yidhi, iyada oo qosol khajilaadi ka muuqato weli qoslaysa ayaa ay tidhi, “Waan garan waayeyba wax aan idhaahdo. Gebigayguba waan kurbanayey. Waxa aan idhi Waa ku sidee’ qofka aad la hadlaysaa waa madaxweynihii.. maxaan samayn karaa?” Mike Jones oo isagana uu talefishanku weydiiyey bal sababta hadalladan ku kalliftay ayaa sheegay in markii uu goobta soo galay ee uu arkay iyada oo la wada aamusan yahay iyo madaxweynihii oo aanu meesha ka filayn oo codaynaya in uu raadiyey kaftan uu kaga qosliyo dadka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Jabaq la’ ayaa ay ahayd, waa la wada aamusnaa, qof kastaana waxa uu ku mashquulsanaa uun in uu sawir ka qaato madaxweynaha. Kadib waxa aan jeclaystay in aan idhaahdo erey dadka ka qosliya”

Laakiin Mike oo la weydiiyey in uu hinaasay waxa uu sheegay in aanu hinaasin, balse uu u arko in ay tahay xusuus aan weligeed guurayn. Saxafi su’aalo weydiinayey gabadhan uu madaxweyne Obama dhunkaday ayaa weydiiyey bal in iyadu ay ka baqo qabto in marwada koowaad ee Maraykanka oo aan iyadu markaas meesha joogin marka ay daawato ay ka hinaasi doonto dhunkashadaa, iyada oo aad u qoslaysa ayaanay ku jawaabtay, “Dhabanka ayaa ay ahayd.. dhabanka oo keliya… Fadlan Michella, ha iga daba imanin.. dhabanka ayuun baa ay ahayd ee”

Qisadan oo labadii maalmood ee u dambeeyey ay dadka Maraykanku aad u hadal hayeen ayaa noqotay sheeko xiiso badan oo dad badan, talefishannada dalkaasina waxa ay ka qabteen doodo iyo kulamo bulsho oo lagu lafa-gurayo kaftankan, sidoo kale waxa ay waraysiyo kala duwan la yeesheen lammaanahan madowgga ah ee Mike Jones iyo Cooper oo ay muuqato in qisadani caan ka dhigtay. Sidoo kale waxaa kaftankan la hor dhigay khubaro ku xeel-dheer luuqadda Ishaarada xubnaha jidhka iyo qiimaynta nafsiga ah, kuwaas oo badankoodu aad ugu bogay feejignaanta madaxweyne Obama oo ay isku raaceen in uu si la yaab leh oo aan inta badan dhicin, markiiba ugu jawaabay ninkan hadalka ku soo tuuray oo weliba uu siiyey jawaab ah runtii oo haddana kaftan ah, isaga oo xushay ereyo aad ugu habboon jawaabtaas. Qaarkood ayaa iyagu kuba sii talax tegey oo ku dooday in jawaabtaas saxda ah ee madaxweynuhu dhaqso u bixiyey in ay muujinayso sida uu u yahay shakhsi awood badan oo maskaxdiisu leedahay awood ay go’aan dhaqso ah oo sax ah ka qaadan karto dhibta iyo mushkiladaha soo waajaha.