“Waxaan Ahay Murashax U Tartamaya Doorashada Wakiilada”

0
721

Picture2Hargeysa(Geeska)-Quule Ugul Xandule, oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u tartami doono doorashada golaha wakiilada ee soo socota.

Md. Quule, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu tartanka doorashada ka qayb geli doono si uu dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabto. “Aniga oo ah Quule Ugul Xandule waxaan halkan ka shaacinayaa una sheegayaa shacabka reer Somaliland in aan u sharaxanahay   doorashada golaha wakiilada ee gobalka maroodi-jeex.” Ayuu yidhi Quule, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan noqon doonaa murashaxa gobalka Maroodi-jeex, waxaanan ku rajo weynahay inaan heli doono codka dadweynaha reer Hargeysa.”

Wuxuu Quule balan qaaday inuu wax qabad muujin doono haddii loo doorto ka mid noqoshada xildhibaanada golaha wakiilada.

Dhallinyaro badan oo reer Hargeysa ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku dhawaaqay inay u tartami doonaan doorashada golaha wakiilada ee soo socota.