Ciyaaryahanka Shaactiroole Oo Ku Biray Koox Jarmal-ka Ka Dhisan

0
1003

554Xidiga caanka ah ee Maxamed Yuusuf Xasan (Shaactiroole) oo caan ka ahaa garoomada kubada cagta Somaliland, ayaa wuxuu si rasmi ah ugu biiray koox Jarmal ah oo ka dhisan magaalada Gendenr, oo ah kooxaha heerka koowaad. Kooxda ayaa lagu magacaabaa Gendenr.

Mr. Shaactiroole, oo hore ula kulmay xidigyadii caanka ahaa ee Zidane iyo Ronaldo,  ayaa wuxuu hadda ka mid yahay xidigyada kooxdan jarmalka ah. Markii hore ee uu degay dalka Jarmalttertrtka wuxuu ku biiray kooxaha heerka labaad, laakiin hadda wuxuu ka mid noqday kooxda heerka koowaad ee magaaladaas ka dhisan.

Mr. Shaactiroole, oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu weli sii wado rumaynta hamigiisii ahaa inuu noqdo xidig caan ku ah kubadda cagta. “Aad baan ugu faraxsanahay, waxaanan rajaynayaa inaan guulo badan ka sii gaadho kubadda cagta.” Ayuu yidhi Shaactiroole. Bravo  Mr maxamed yusuf xasan ( Shactiroole )