Joogitaanka Guryaha Ee Karoona Sababay Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Internetka Adduunku Burburiyo

0
671

Guri jooga ay cabsida xanuunka Karoona-Fayras ku abuurtay adduunka ayaa sababay in uu si xad dhaaf ah u kordho isticmaalka internet ku, taas oo keentay culays badan oo fuula internet ka iyo cabsi cusub oo laga qabo in uu caddilmo.

Malaayiin qof oo xafiisyo ka shaqayn jiray ayaa ku qasbanaaday in ay guryaha ku shaqeeyaan, ardaydii dugsiyada iyo macallimiintoodii ayaa ku qasbanaaday in internet ku noqdo dariiqa ay isku gaadhaan, dadkii caadiga ahaa ee hawlaha kale bannaanka ugu bixi jirayna guri joogu waxa uu ku qasbay in ay internet ka si aad ah isugu mashquuliyaan.

Shirkadda Isgaadhsiinta ee dalka Ingiriiska ayaa dhowaan shaacisay in dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka internet ka dhexdiisu ay boqolkiiba 60 korodhay, marka la barbar dhigo sida ay ahaan jirtay maalmaha caadiga ah ee kale. Shirkadda isgaadhsiinta ee Vodafone ayaa iyaduna sheegtay in uu kordhay culayska saaran shabaqaddeeda taleefannada, kaddib markii uu boqolkiiba 50 kordhay isticmaalka taleefanku.

Inkasta oo ay shirkadaha isgaadhsiintu ku faanayaan in ay qaadi karaan culayska ku soo kordhay, haddana waxaa meelo badan laga dareemayaa culays ku soo kordhay xawaaraha internet ka, iyada oo si gaar ah looga dareemayo tayada muuqaallada lagu daawanayo, gaar ahaan talefishannada, muuqaallada kala duwan iyo filimada, sida Netflix.

Xeeldheereyaasha baadhitaannada ku sameeya isticmaalka Internet ka adduunka iyo goobaha sida aadka ah looga isticmaalo ayaa sheegaya in hore internet ka guryaha laga isticmaalaa u ucelcelis ahaan noqon jiray afar saacadood oo habeenkii u badan maalin kasta, laakiin uu hadda marayo maalin kasta 10 saacadood oo saacadaha maalinta oo dhan ah. Arrintan ayaa abuurayssa cabsi xooggan oo laga qabo in culayska xad dhaafka ahi ugu dambaynta burburiyo awoodda internet ka.

Theirry Breton oo midowga Yurub u qaabilsan suuqa xorta ah iyo adeegyada gudaha ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay cabsidan laga qabo in internet ku uu burburo. Waxa aanu shirkadaha bixiya filimada iyo muuqaallada kala duwan ee internet ka laga daawado ka codsaday in ay yareeyaan tayada fiidyawyada ay soo gelinayaan shabakadaha Internet ka si looga hortago in culaysku ku sii bato internet ka. Waxaana dalabkaas si dhaqso ah u ogolaaday shirkadaha Netflix, Youtube iyo Amazon oo dhammaantood hoos u dhigay tayadii hore looga bartay ee fiidyawyadoodu ay lahaayeen. Sida oo kale shirkadda Sony ayaa sheegtay in ay yarayn doonto xawaraha soo dejisasashada ciyaaraha ay online ka ku baahidsa ee laga isticmaalo aaladda lagu ciyaaro ee ‘Play Station’. Arrintaas ayaa ay shirkadahani ku macneeyeen in ay tahay ka qaybqaadashada dadaalka lagu yaraynayo heerka dhaqdhaqaaqa internet ka.

Inkasta oo aanu hadda internet ku wax dhibaato ah kala kulmin isticmaalka kordhay, haddana waxa ay khubaradu ka cabsi qabaan in haddii ay sii socoto xaaladda guri joogga ee Karoona-Fayras sababay ay dhici karto culays internet ka awooddiisa burburiyo. Sidaa awgeed maadaama oo aan si cad loo hubin goorta ay dhibaatada Karoona dhammaanayso, waxa ay khubaradu soo jeedinayaan in hadda la sii bilaabo dadaalka lagaga hortegayo dhibaatada iman karta.

Shirkadaha waaweyn ee internet ka ayaa sida oo kale ka cabsi qaba in Karantiimaynta dadweynaha adduunku ay saamayso shaqada maadaama oo farsamayaqaanno iyo xeeldheereyaal badani ka mid noqon doonaan dadka ana guryahooda ka soo baxayn ama ugu yarana la dhimayo saacadaha shaqada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here