Muuqaal aanay weligoodna filanayn dadka reer New York ayaa ay noqotay in jidadka magaalada meel kasta oo la maro lagu arko gaadiidka ay saaran yihiin buudhiyada qaboojiyeyaasha ah sida maydka dadka uu dilay xanuunka sidan ugu faafay magaaladaas ee ‘Covid-19’. Tiro badnaanta dadka uu xanuunku dilayo ayaa sababtay in ay qaadi waayaan tallaagadihii maydka ee gobalkaas yaallay. Arrintan ayaa naxdinta iyo amakaagga dhalatay aanay ku koobnayn dadka magaalada balse xitaa madaxweyne Trump ku noqotay u qaadan waa.
Waxaa cisbitaallada iyo rugaha daryeelka caafimaadka lagu arkayaa gaadiidkan oo safan oo kooxo loogu talagalay ay maydka ku daabulayaan, si loo soo gubo. Guddoomiyaha gobalka New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in culaysku uu ku yimi dadka uu xanuunku ku dhacayo oo tira badan iyo dhimashada oo mayraysa dad lagu qiyaasay boqolkiiba 27 dadka uu xanuunku ku dhacay.
Madaxweyne Trump ayaa ka mid ah dadka ay gaadiidka maydka lagu gurayaa af kala qaadka ku rideen, isaga oo sheegay in talefishannada uu ka daawaday gaadiidkaas. Waxa aanu intaas ku daray in uu arkay arrimo aanu hore u arki jirin.
Masuuliyiinta caafimaadka ayaa iyaguna sheegaya in tallaagadaha maydka ee gobalka New York aanay ku filnayn tiro ka badan 2 boqol maalintii, haddii ay intaas dhaaftana ay qasab noqonayso in bannaanada la dhigo maydka, haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo.
Magaalada New York oo ah tan ugu dadka badan dalka Maraykanka ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee uu xanuunka COVID-19 ka dillaacay dalka Maraykanka, waxaana jirta cabsi laga qabo in uu khasaare laxaad leh ka geysan doono.