Badhasaabka Togdheer Oo Lacago Tabaruc Ah Ugu Deeqay Dugsiga Dhagolayaasha

0
517

aayarBurco(Geeska)-Gudiga dhismaha Dugsiga dadka dhiban ee dhagoolayaasha magaalada Burco ayaa shalay badhasaabka gobolkaasi soo gaadjhsiiyay lacago Tabaruc ah oo lagu kordhinaayo ,lacagta qaadhaanka ah ee dugsigan lagu hirgalinaayo .

 Geesta kale  Dawladda Hoose ee degmadda Burco ayaa balan-qaaday gudigan in ay ku wareejin-doonaan  dhul cabirkiisu gaadhaayo Toban-baloodh oo  laga hirgalin-doono dhismaha Dugsigan iyagoo tobankaas Shan baloodh oo ka mid ah hore ugu wareejiyay  “ Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa Qadar lacag ah oo runtii dad debeda joogaa  aniga isoo wakiisheen ,,kuwaas oo ugu talogalay in lagaga qaybqaato dhismaha Dugsiga ardayda dhagoolayaasha ah ee gobolka Togdheer ,sidaa awgeed anagu maamul ahaan awooda ayaanu saaraynaa sidii dugsigan dhismihiisa loo hirgalinlahaa “ Sidaasi waxa yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer MD Cabdoo Axmed Aayar ka hadlaayay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay sanad dugsiyeedka dhagoolayaasha Burco oo ka dhacday Dawladda Hoose ee Burco.

 Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ugu baaqay ganacsatada ,qurbajooga iyo umadda kale ee reer Somaliland in ay awooda saaraan sidii dhaqaale ku filan loogu deeqilahaa dhismaha Dugsiga Dhagoolayaasha Burco .

Maayir ku xigeenka degmadda Burco Axmed Cabdi-falay oo isna Xafladaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Anagu Dawlad hoose ahaan waxaanu hore gudigan ugu wareejinay dhul Shan-baloodh ah oo aanu ugu talogalay in dhismaha Dugsigan laga hirgaliyo sidaa awgeed imikana waxaanu u balanqaadaynaa in aanu shan danbe ku wareejin-doono .

Markaa aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinaynaa gudiga reer Burco ee isu xilqaantay in ay iskaa wax u qabso ku hirgaliyaan dhismaha dugsigan dadka dhiban “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Maayir ku xigeenku.

Cali Mahdi oo isna ka mid ah gudiga dhismaha Dugsiga Dhagoolayaasha Burco oo isna xafladaasi Sanad-dugsiyeedka ardayda dhagoolayaasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay lacagtan badhasaabka gobolku soo gaadhsiiyay  waxaanu yidhi “ Aaad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa gudi ahaan dhaqaalahan uu Guddoomiyaha gobolku nasoo gaadhsiiyay ,anagu gudi’ahaan waxaanu maanta halkan ka cadaynaynaa mudadii aanu ku hawlanayn qaadhaan ururinta dhismaha Dugsigan sida uu noola shaqeeyay badhasaabka gobolku wali maanu  arag guddoomiye magaaladan soo maray oo sidaasi noola shaqeeyay ,hashii dhisama iskuulkuna meel fiican ayay maraysaa oo lacago door ah ayaa nala soo gaadhsiiyay dhawaana waanu bilaabaynaa ,cidkastoo gacan ka gaysanaysana waanu soo dhawaynaynaa “.

Munaasibadan lagu sagootiyaayay sanad-dugsiyeedka dhagoolayaasha Burco oo qaar ka mid ah ardaydani ay ku soo bandhigeen xirfado ay barteen ayaa waxa kale  iyana  ka halay  Mawliid Xasan Faras iyo Axmed Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah macalimiinta waxbarta  ardaydan  kuwaasi oo Koorasyo waxbarasho ku siiya iskuulo gaarlooleeyahay oo magaalada Burco ku yaala .