Sawirka Dhaawaca Gaadhay Madaxweynaha Yemen Oo La Baahiyay

0
672

 

salaaxRiyad(W.wararka/Geeska)- Waxaa si aad u baahsan loogu faafiyey shabakadaha wararka ee dalka Yemen sawirka madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo jiifa sariirta cisbitaalka milateri ee uu kaga jiro dalka Sucuudiga.

Sida sawirka ka muuqata, dhaawacii madaxweyne Saalax ka soo gaadhay qaraxii bilowgii bishii tagtay ka dhacay masjidka ku yaalla qasriga madaxtooyada ee dalka Yemen waxa uu ahaa mid aad u culus oo si dhamaystiran u gubay wejigiisa iyo qaybo badan oo jidhkiisa ka mid ah.

In kasta oo arrintaas aan si rasmi ah loo faafin, haddana waxa ay xogtaasi si kedis ah uga soo dhacday madaxweyne ku xigeenka dalka Yemen oo dhowaan u warramayey talefishan Maraykan ah, waxase markhaatiga sii caddeeyey sawirkan oo haddii uu run noqdo caddaynaya in madaxweyne Saalax xaaladdiisu culus tahay, waxa mar kale caddayn ah dib u dhigista lagu sameeyey hadal la filayey in uu madaxweyne Saalax bulshadiisa u mariyo talefishannada. Masuul sare oo ka tirsan madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale dib loo dhigay khudbaddii madaxweynuhu jeedin lahaa, waxa aanu sheegay in dib u dhigistani ku timid talada dhakhaatiirta gacanta ku haya xaaladda Cali Cabdalla Saalax.

Xoghayaha warbaahinta ee madaxweynaha oo lagu magacaabo Axmed Al-Suufi hadalladiisa waxaa ka mid ahaa, “Waxa aanu la tashannay dhakhaatiirta daaweynaysa madaxsweynaha, oo aanu u sheegnay in aanu doonayno in aanu ka qaadno cisbitaalka lagu daaweynayo oo aanu geyno hoolka shirarka ee magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, waxa aanu sii diyaarinnay dhammaan qalabkii istuudyaha ee waraysiga madaxweynaha suurtogelin lahaa, laakiin dhakhaatiirtu waxa ay nagula taliyeen in aanaan waqtigan xaadirka ah ka saarin cisbitaalka” xoghaye Al-Suufi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka sheekeeyey waxa ay dhakhaatiirtu ku sababeeyeen taladooda waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Madaxweynaha waxaa dhowaantan lagu sameeyey dhowr qalniin oo dib u qurxin loogu samaynayey, cisbitaalka oo laga saaraana waxa ay keenaysay halista ah in wejiga ay ku dhegto ciidda iyo boodhku, taas oo khatar gelinaysa gebi ahaanba qalniinkii qurxinta ahaa”

Dhanka kalana warar shalay lagu baahiyey qaar ka mid ah saxaafadda dalka Yemen ayaa saadaalinaya in uu madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax dhaqso uga tanaasuli doono kursiga madaxweynaha, taas oo horseedi doonto is-beddel maamul oo si nabdoon dhowaan uga dhaca dalka Yemen, waxa uu warku intaas ku daray in hadda ay socdaan dadaallo loogu gogol xaadhayo sidii ay taladu si nabad ah ugu wareegi lahayd, loogana dheeraan lahaa sabab kasta oo keeni karta in dalka uu ka qarxo dagaal sokeeyo.

Dadka ka faallooda siyaasadaha dalka Yemen ayaa sheegaya in inkasta oo uu madaxweyne Saalax aad ugu dheggenaa kursiga, isla markaana aanay markii hore suurtogal ahaateen in uu ka dego, ay haatan qasbayaan duruufaha caafimaad ee uu ku jiro, kadib markii weerarkii isku dayga dilka ahaa ee lagu fuliyey uu gaadhsiiyey dhaawacyo caqabad ku noqon kara in uu xilka madaxweynenimo si habsami ah u guto.