Jamaal Cali Xuseen Oo Hargeysa U Imanaya Loolanka Murashaxnimo Ee UDUB

1
897

Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa la filayaa inuu toddobaadkan magaalada Hargeysa u yimaado ka qayb qaadashada loolanka murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UDUB.

u_50953d_2011-11-22-17-46-36f_jamaal-cali-xuseen-480x345

Xisbiga UDUB ayaa toddobaadkan si rasmi ah u shaaciyay in la qabanayo codsiyada murashixiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbigaas, waxaana la sheegay inuu Jamaal ka mid yahay ragga uu hayo hunguriga murashaxnimo, waxaana la filayaa marka uu Hargeysa soo gaadho inuu UDUB u qabto xaflad soo dhawayn ah, waxaanay wararku sheegayaan inuu shubay lacagta xisbigu ka qaadayo murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo la sheegay inay murashaxa Madaxweyne tahay $ 10,000 oo dollar iyo ku xigeenka oo ay tahay $ 5000 dollar.  Waxa kale oo iyaguna jira xubno kale oo xisbigaas ka tirsan oo la filayo inay ka qayb galaan tartanka murashaxnimo ee xisbiga UDUB.

Comments are closed.