Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa jawaab ka bixiyay war-murtiyeed ay hore xisbiga KULMIYE ugu jawaabeen guddoomiye-xigeenada labaad iyo saddexaad ee KULMIYE oo ka hadlayay shan xubnood oo xisbiga laga caydhiyay.
War-saxaafadeed uu Jaamac-shabeel xalay soo saaray wuxuu u dhignaa sidan “Anigoo tixraacaya qoraalka muranka iyo fadqallalada xanbaarsan ee sumaddiisu tahay KDC/08/012/2006 ee lagu sheegtay garabka Isbahaysiga Dimuqraadiga xisbiga KULMIYE ee ku soo baxay warbaahinta 24/3/2016, kuna saxeexanyihiin labadii Gudoomiye-ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga – Maxamed Yusuf Waabeeyo iyo Cabdiraxmaan Talyanle, waxaan mar labaad la socodsiinayaa xisbiyada Qaranka iyo hay’adda sharciga inay labadaa xubnood xayndaabkii sharciyadda xisbiga KULMIYE ay iskood isaga saareen, ugana baxeen xisbiga KULMIYE markay si badheedha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta, uga horyimaadeen dastuurka iyo go’aamadii hay’adda Golaha Dhexe ee xisbiga, iyagoo go’aamadii Golaha Dhexe ee Kalfadhigii 5aad ee xisbiga ku tilmaamay inay yihiin xaaraan, taasoo ugu filan caddayn inay iskood uga baxeen xisbiga KULMIYE, waxaanay ku xadgudbeen Dastuurka Qodobadiisa 13aad iyo 9aad xubinta j. waana (FAL GARANTE) qofka lagu qabto isagoo dambiga faraha kula jiraa malaha wax xasaanad ah.
Kala noqoshada xubinimada xisbigana waxa caddaynaya:
Dastuurka xisbiga KULMIYE Qodobkiisa 11aad oo tilmaamaya sababaha lagu waayi karo xubinimada xisbiga, xataa haddii aan lagu haynin (FAL GARANTE).
Sidoo kale, qodobka 10-aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/ 2 0 1 1, kaas oo sheegaya sababaha lagu waayi karo xubnimada urur ama xisbi qaran.
Sidaa awgeed, waxay xubnahani ku gafeen qodobada xeerka Qaran ee Nimaadka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo Dastuurka xisbig KULMIYE, iyagoo shirar ka dhan ah shuruucda iyo siyaasadda xisbiga KULMIYE la galay hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI marar kala duwan, lana hayo caddaymahoodii, halka ay sidoo kalena codkooda ku caddeeyeen inay xisbiyadaasi kula jiraan wadahadal, isla markaana ay si gaar ah guddi ugu saareen wadahadalka ay la bilaabeen xisbiga WADDANI.
Mar labaad waxaannu caddaynaynaa inaan wax heshiis ah lagula geli karin habayaraatee astaanta, calanka iyo magaca xisbiga KULMIYE midna, taasoo haddii ay dhacdo uu ka dhalanayo faldambiyeed ciqaab lagu mutaysan karo, waayo dalku shuruuc ayuu leeyahay.
Saaxiibadaydii horena waxaan leeyahay xaggee ka webinaysaan sawdinkii ragga culculus ee miisaanka leh ahaa, maxaa kaga meeraysanaysaan xisbi aad iskaga tagteen magaciisa? Miyaydaan ogayn inay tani salli ku wada fadhido oo aan wax u kala qarsooni jirin oo aan cidna magac layska sheegto aan lagu khaldi karin?
Ugu danbayn, waxaan ugu baaqayaa labada xisbi qaran inaynu wada ilaashano sharciga iyo kala dambaynta.”