Jacaylku Waa Dilaa: Cilmiga Ayaa Xaqiijiyey Sabab Loo Dhinto Oo Jacaylka Ka Dhalata

0
394

Berlin (Geeska)- Xeeldheereyaal cilminafsi oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa sheegay in jacaylka guuldarraystaa uu sabab u noqon karo in qofka wax jeceli uu u dhinto. Sababtuna ay tahay dhaawaca nafsadeed ee ay guuldarrada jacaylku qofka ku keenayso oo sababa qablijab khatar ku ah caafimaadka wadnihiisa.

Xaaladda caafimaad darro ee wadnaha kaga timaadda guuldarrada jacaylka oo afka cilminafsiga loo yaqaanno ‘Broken heart Syndrome’ ayaa ay khubaradu sheegeen in ay qofka ku keento gaabis aad u xooggan oo ku dhaca hawlgudashada wadnaha.

Xeeldheereyaasha Jarmalka ee arrintan daraaseeyey waxa ay sheegeen in qalbi jabka ka dhasha hungada caashaqu aanu sida dad badani aaminsan yihiin ahayn duruuf muddo gaaban waqtiga la dhammaata, balse ay tahay nabar ku maqan qalbiga qofka oo aakhrika halis u ah in uu u dhinto.

Gunter Seidler oo ah bare-sare oo ku xeeldheer cilmiga dabiibka dhimirka ee ‘Psychotherapy’ ayaa sheegaya in inkasta oo muddo kaddib uu qofku iska illaawo xaaladda nafsadeed iyo wadne xanuunka ka dhasha jacaylka ka fashilmay, haddana aanay taasi ahayn dhammaadka dhibtaas ama aanu macnuhu ahayn in uu ka bogsaday jacaylkii, balse ay runtu tahay in raadka caafimaad darro ee ka dhashay xaaladdaasi uu sii jirayo muddo dheer oo mararka qaarkood ah inta uu qofku uu noolyahay oo dhan.

Qoraaga Elena Son ayaa buuggeeda ay kaga warramaysa ifafaalaha wadne xanuun ee ka dhasha hungada jacaylka waxa ay sheegtay in aanay sax ahayn in indhaha laga laabto dhugmo u yeelashada dhibta ka dhalata jacaylka fashilma. Waxa ay sheegtay in jacaylka oo guuldarraystaa uu qofka ku keeno xaalado nafasadeed oo aad ugu eeg xaaladda qulubka iyo in qofku uu nolosha iyo arrimaha adduun oo dhan dhinaca taban oo keliya ka eego, quus iyo rejo xumana wehel u noqdaan, waxa aanay qofka ku abuurtaa daal nafsadeed, cunto xumo iyo in uu dareemo wahsi badan.

Son waxa ay sheegtay in waayoaragnimadeeda muddadii ay ku hawlanayd dabiibka dadka xaaladaha caafimaad darro ee nafsiga ah ka qaada jacaylka guuldarraystaa, ay ka mid tahay in xaaladdani aanay ahayn mid sida dadka qaar u haystaan ku kooban da’ gaar ah, balse ay taahay xaalad lagu arko da’ kasta, farqiga keliay ee u dhexeeyaana uu yahay in dadka korsan ama nolosha wax badan ka fahamsani ay qirtaan, kana shaqeeyaan in ay iska dabiibaan.

Siyaabaha ugu fiican ee xaaladdan lagu dabiibi karo ayaa ah in qofku marka koowaadba ka fikiro sidii uu u heli lahaa shaqo uu ka raalli yahay oo maskaxdiisa mashquulisa, ama xirfad kale oo ku xidha saaxiibbo wanaagsan oo cusub. Haddii kale sida uu sheegay Bare-sare Gunter Seidler waxaa qofka ku dhacaysa in uu maxbuus u noqdo xusuuso hore oo aan mar keliya maskaxdiisa ka baxay, ugu dambayntana dhaawac nafsadeed gaadhsiiya.

Inkasta oo uu qofku marar badan naftiisa ka dabiibi karo qalbijabka ka dhasha jacaylka ka fashilmay, haddana waxa uu Gunter sheegayaa in ay marar badan oo kalana ay dhici karto in qofku uu u baahdo cid kale oo dabiibkiisa ka qaybqaadata, maadaama oo qalbi xanuunku uu mararka qaarkood dilaa noqon karo.

Catherine Strekfoss-bomik oo ku xeeldheer cilmiga noolaha ayaa iyaduna mar ay ka hadashay xaaladda qalbi jabka ah ee ka dhalatay hungada jacaylka waxa ay sheegtay in marar badan ay dhacdo in cisbitaallada ay ku soo booqdaan dad ka cabanaya culays laabta ah, neefsiga oo cidhiidhi ku noqda iyo dhammaan calaamadaha lagu arko dadka wadnaha lagaga soo booqdo ee xaaladdoodu khatarta tahay. Dadka ka cabanaya xaaladaha nafsadeed ee ka dhashay jacaylka lagaga baxay ayaa ay Catherine sheegtay in ay dhakhtar ahaan ula macaamilaan si la mid ah sida loo daweeyo dadka wadnahoodu shaqada yareeyo.

Rejada caafimaad

Catherine waxa ay sheegtay in dadka xaaladda qalbijabka ah ka qaada jacaylka ka xumaaday ay u dhowdahay in ay bogsadaan, haddii ay marka hore ka badbaadaan dhirbaaxada koowaad ee xanuunka oo khatar badan, una baahan in si xoog ah loola tacaalo. Laba bilood kaddib ayaa ay inta badan dhacdaa in qofku uu dareemo ka soo kabasho badan, laakiin dhibaatadu waxa ay dhacdaa marka uu qofku dareemo in uu ka soo kabtay. Waayo waxa uu markaba isku tiriyaa caafimaad qab, waxaana meesha ka baxda dadaalkii ay ahayd in uu u galo ka bogsashada raadadkii ka dhashay xaaladdan. Catherine waxa ay dadka xaaladdan maraya kula talisay in ay dhakhtar nafsiya raadsadaan, xitaa haddii marka ay u tagayaan ay tahay mar ay isu arkaan in ay caafimaad buuxa ku jiraan. Dhakhtarkana waa in xog fiican uu qofku ka siiyo xaaladdan haysa iyo sida ay ku timi si ay dhakhtarka ugu suurtagasho in uu fahmo xaaladda qofka, kaddibna ka caawiyo ka soo kabashadeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.