Hargeysa (Geeska) – Warar ka imanaya  Magaalada Jabuuti, ayaa sheegay in Dawladda dalkaasi ay halkaasi ka saartay xubno abaabulayey Jabhad gobolka Awdal ee Somaliland ka bilowda dhaqdhaqaaqyo amni-darro.

Muuqaal la baahiyey, ayaa muujinaya xubno ka mid ah qurbe-joogta Awdal ee dhibaatada ka soo abaabulayey Jabuuti oo halkaas ka raacaya diyaarad.

Kooxdan oo markii hore Dawladda Jabuuti lagu eedeeyay inay dalkeeda u ogolaatay, ayaa wararka la helay sheegeen in halkaasi ay ka baxeen, wallow aan la ogayn halka ay u jihaysteen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkan si furan u sheegay inay ka war hayaan Jabhad Jabuuti ka sheegay inay xoraynayaan gobolka Awdal, taasi oo Jabuuti beenisay jiritaankeeda.

Dawladda Jabuuti oo ka cadhootay heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya, ayaa tan iyo horraantii sanadkan waday dedaallo diblumaasiyadeed oo salka ku haya inay fashiliso heshiiska badda iyo aqoonsiga ee Somaliland, wallow aanay waxba ka hirgelin.