Jabuuti: Khasaare Ka Dhashay Weerar Dablay Ku Qaadday Saldhig Ciidan

0
661

Tajoura (Geeska) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ku yaalla gobolka Tajura ee dalkaasi, waxayna ku baaqday in dib loo soo celiyo xasiloonida gobolka.

Wararku waxaa ay sheegayan in weerarka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada janda-maariiga lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhiggaasi.

Ilaa hadda lama garanayo kooxda weerarka ku qaaday saldhiga, iyadoo ciidamadii halkaa ku sugnaa rasaas ku wajaheen ama kala hor-tageen dablayda weerarka soo qaaday.

Geeska.net/Hargeisa Office