Jabuuti: Guddiyo Kala Matalaya Madaxwayneyaal Kala Aragti Fog Oo La Wareegay Taladii Iyo Wararkii U Dambeeyay

0
712

Jabuuti (Geeska)  – Magaalada Jabuuti waxa Isniintii Shalay lagu soo gebogabeeyay Shir-madaxeed u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo bilow u noqonaya Wada-hadalladii Hakadka ku jiray oo la doonayo inay sii socdaan.

Shirkan oo Dawladda Maraykanku ka shaqaysay Qabsoomiddiisa Jabuutina Marti-gelisay ayaa waxa goob-joog ka ahaa Raysal-wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, Diblumaasiyiin ka kala socday Ururrada Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Xubno kale.

Shirka Bilowgiisii waxa khudbado ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo soo bandhigay Gar-naqsi ku xidhiidhsan Dawladnimadii Somaliland ee Lixdankii, la Midowgii Soomaaliya, dhibaatadii gaadhay Shacabka Somaliland, Taariilkhda cusub iyo waxa Somaliland doonayso.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Jabuuti, Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Maraykanka, kuwaasi oo si mugle uga hadlay Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo la doonayo in meel lagu tiiriyo.

Shalay oo ahayd Maalintii labaad ee Shirku socday ayaa waxa la saaray Guddi Farsamo oo sii wadaya isla-markaana hoos ugu dhaadhacaya waxyaabaha labada dhinac kala tabanayaan, si doodaha labada dhinac looga soo dhex saaro Maxsuul ama Go’aamada ugu dambeeya.

Guddiyada oo kala matalaya Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana yeelanaya fadhiyo ay kaga wada-hadlayaan waxyaabaha miiska saaran ayaa waxa Shalay Hadallo dardaaran ah u jeediyey Madaxwayneyaasha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweyne Biixi oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Halkan (Jabuuti) waxa loo yimid in Dad is-khilaafsan oo kala fog inay gaadhaan Xal ay isku afgartaan, Dad Saaxiibbo ah la isuguma yeedhin ee Dad kala fog baa la isugu yeedhay danta iyo Wakhtiguna ku khasbayo in si Waaqici ah oo run ah xal u wada gaadhaan, taas baa idin saaran (Guddiyada la saaray) Qof walba ha dedaallo, hadalka haddaan Runta laga sheegin Murug buu galaa, Run halla isku sheego, wixii la tabanayo si adag ha looga wada hadlo, wixii lagu wada hadlo ee lagu heshiiyana hala rumeeyo.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay “Xaggayaga, waxaanu halkan la nimid run ah inaanu sheegno wixii aanu dhibaato u aragno, wixii dan inoo wada ah, qodobkee Soomaali oo dhan u dan ah ayaanu la nimid ee aanu ka fursan waynay, Walaaladayana waxaanu si walaalnimo ah ugu sheegaynaa iyaguna waa nala mid markaa waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano oo aanu dul-qaadkeeda yeelano Ra’yiga naga duwan oo aanu rog-rogno, idinkana sidaas si la mid ah ayaanu idinka doonaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shalay (Doraad) waxay arrintu ahayd Madaxwayneyaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanayaa, Masuuliyaddii waanu soo wareejinay oo Guddiga Wasiirrada ah ayaa loo soo wareejiyey markaa waxa la doonayaa Guddiga halkan ku hadhay inay keenaan maxaa inoo dan ah, khasab maaha in wax walba Maanta la isku afgartaa, laakiin waa inay jiri karaan Tallaabooyin la isku afgaran karaa, halkee ugu fudud ee aynu ka heshiin karnaa.”

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Ummadda Soomaaliyeed, innaga oo ah Ummad aad u caqli badan, xikmad badan, u taariikh fiican, wax walba wadaagna, laakiin Caalamka wax walba waxaynu ka galnay meesha ugu hoosaysa, wax kalena maaha ee Go’aanka Madaxdu qaadatay oo Taariikhda galaya hadda iyo Mustaqbalkaba, markaa waa in Geesinimo leh loo waajaho Xaqiiqda dhabta ah loona wada-hadlo.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay “Walaalkay Ismaaciil Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti) wuu ka dhabeeyay inaynu ka wada-hadalno 30-ka sanadood ee soo socda halkaynu tagaynaa, 30 sano waynu wada joognay, 30 sano waynu kala maqnayn, 30-ka sanadood ee soo socda Carruurteena maxaynu uga tagaynaa dhaxal iyo Mustaqbal weeyaan waxa Guddigan loo sameeyay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Marka la wada fadhiisto ee la wada hadlo ee Go’aan la qaato ee la heshiiyo, waxa la rabaa Go’aankaa iyo Heshiiskaas Ciddii fulin lahayd, Ciddii fulin lahayd waa Idinka, Ummadda Soomaaliyeedna meel kasta oo ay joogto isha ayay idinku haysaa meeshaad u kaxaysaan haddaad tihiin Guddigii Farsamada, haddaad nabad iyo Barwaaqo u kaxaysaan iyo haddaad meel kale u kaxaysaanba, Annagu waanu idin siinayna Kalsoonidayada, Dadkii ugu aqoonta badnaa baad tihiin, markaa waxa la idinka rabaa inaad ka fikirtaan Mustaqbalka iyo 30-ka sano ee soo socda Caalamka halkee ayaynu ka galaynaa.”