Golaha Wakiillada Oo La Isugu Yeedhay Fadhi Go’aamo Lagu Gaadhi Doono

0
535

Hargeysa (Geeska) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la isugu yeedhay Fadhi aan Caadi ahayn.

Fadhigan aan Caadiga ah ee la isugu yeedhay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagu go’aamin doonaa arrimo muhiim ah, sida lagu sheegay Qoraal War-gelin ah oo uu Shalay soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax.

Qoraalka lagu War-geliyey in Xildhibaannadu isugu yimaaddaan fadhi aan aan Caadi ahayd Sabtida toddobaadka dambe oo Bishu tahay 20, ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayn sidan:-

Ujeeddo: Fadhi aan Caadi ahayn

Mudaneyaal, markaan arkay Qodobka Dastuuriga ah ee 46aad Farqaddiisa 2aad Xarafkiisa (T) ee ka hadlaya kala-fadhiyada iyo habaynta Golaha Wakiillada.

Waxaan Go’aamiyey, in Maalinta Sabtida ee Taariikhdu tahay 20/06/2020 Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu isagu yimaaddaan fadhi aan Caadi ahayn, kaasi oo lagu go’aamin doono Arrimo muhiim ah. Sidaasi daraadeed waxa la idinku adkaynayaa inaad wakhtiga dhowrtaan soona Xaadirtaan Saacaddu markay tahay 9:00 Subaxnimo, Maalinta Sabtida..”