Jaamacada Alpha Oo Lagu Qabtay Masrixiyad Ka Hadlaysay Afka Soomaaliga

0
642

Picture2

Alpha(Geeska)-Waxaa Xarunta Jaamacadda Alpha lagu soo bandhigay  masrixiyad dhaqameed ay iska kaashadeed Jaamacadda Alpha Iyo Hido Academy oo lagu magic daray "HIIL BAAN U BAAHNAHAY".

Waxaana Masrixiyada Hal Abuurtay Abwaan Yaasmiin Maxamed Kaahin Oo ahayd Ardayad horey uga qakin jibsay Jaamcadda, Masrixyadan oo inta badan ka turjumaysa Heerka afku Somaligu maraayo maanta, Heerarka uu soo maray iyo in maanta af soomaaligu u baahan yahay HIIL Sida ka muuqta Masrixyada magaca ay huwan tahay  taas oo ay Hido Academy si farshan ka muuqda u soo bandhigtay ardayda Jaamacada ayaa  si fiican ula dhaceen macnaha ay xambaarsan tahay.

Waxaan ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Alpha oo ku hadlay afka Jamacadda, Macalimiinta Iyo dhamaan arday isaga oo Inta badan hoga tusaaleeyey afka Soomaaligu macnihiisa iyo in uu baahan yahay In Jaamacad ahaan Ay kow ka noqon doonan in afka Soomaaliga dib loo eego macnaha ahaan iyo In dhalinta da'da yar lagu barbaariyo iyo in uu yahay arin qaran oo qof walba xil ka saran.

Waxaa kale oo Madashaa ka hadlay Qoraaga Wayn ee Jaamac Muuse Jaamac oo isna sheegay in afka Soomaaliga loo bahanyahay in la horumariyo oo la qoro afka si ay u anfaco dhallinta dambe isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu dardaaran uga tagay Ardayda Jaamacadda Alpha Iyo Guud ahaan Bulshada Reer Somaliland.

waxa kale oo madasha lagu soo dhaweeyey XILDHIBAAN  Cabdiraxmaan Yuusuf  Carten oo inta badan ah xildhibaanada u heelan in la horumariyo afka Hooyo ,isaga oo Jaamcadda ALPHA ku amaanay sida qurux badan ee ay u soo abaabushay Xafladan Quruxda badan ee lagu soo ban Dhigay Afka Hooyo in hada uu u baahan yahay HIIL QARAN.

Ugu Danbayna waxaa Masrixyadii oo ku salaysan Dhaqanka afka ee Somaaliga ku  soo bandhigay Kooxda Hido Acadamy oo  si heersare ah u soo ban dhigtay iyada oo ay aad ula dhaceen Dhamaan ardaydii ka soo qayb gashay ,taasoo inta badan ka turjumaysay dhaqan ka hada iyo Keenii suubanaa ,waxaana ay sheegeen in ay tahay Jaamacadani tii ugu horaysay ee ay ku qabtaan ,Jaamcadaha Dalkana ay wada Marayaan.