Dr. Aadan Oo Muxaadiro Cilmiga Dhaqaalaha Ah U Jeediyay Ardayda Jaamacada Hargeysa

0
595

Hargeysa( Geeska)Dr Aadan Ismaciil (Aden weli), oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo bartay cilmiga dhaqaalaha kuna qaatay shahaadada PHD,  ayaa la kulmay arday tiro badan oo wax ka barta jaamacadda Hargeysa.

Boqolaal arday oo wax ka barata Jaamacadda Hargeysa ayaa habeen hore Dr Aadan Ismail waxa uu hoolka shirarka ee jaamacadaaasi uga jeediyey Lecture si qoto dheer Prof Ismail ugu lafa guray barashada aqoonta dhaqaalaha iyo muhiimada uu dalka Somaliland uu leeyahay in la helo aqoonyahano da’yar oo ku lebisan aqoonta dhaqaalaha.

Sidoo kalena waxa uu ku dheeraaday sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka iyo waxyaabaha lagaga gaashaaman karo amaba lagaga badbaadi karo sixir bararka iyo kor ukaca maceeshada sida ba’an saamaynta ugu yeelan karta bulshada sida togana u saamayn karta dadka danyarta ah.

Sidoo kale waxaa ardaydu aqoonyahanka kadib su’aalo ugaga weydiiyeen faa’iidada iyo khasaaraha Isticmaalka Adeega  Zaadka taaso Dr Aadam uu ku sifeeyey in adeega Zaad yahay u adeegaha dan yarta iyo kan taajirka ahba sidoo kalena uu yahay saaxiibka sirta dhaqaalaha cid kastaba isla markaana Maalin kasta bulshada u fuliya in kabadan 200,000 kun  oo faa’iido taaso buu yidhi baalashlaha ilaa bagaashlaha, dilaalka iyo ninka reer-miyiga ah arday ilaa macalin shaah iyo sharaab qado iyo quraac shaxaad iyo sadaqo si sahlan meel kastaba kuugu fududaynaya.