Jaamacada Admas Oo Casho Sharaf U Samaysay Todaba Arday Oo ku Guulaystay Waxbarasho Dibadeed

0
537

Picture3Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda ADMAS University College ayaa xaflad Casha sharaf ah u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho  ka helay dalka Turkiga.Toddobadan arday oo deeqdan ay heleen u galay tartan imtixaano ah oo laga qabtay in ka badan 80 waddan, waxa xafladdaas oo casho ahayd ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda waxbarashada, Komishanka Tacliinta sare, maamulka Jaamacadda, Macalimiin, waalidiin iyo ardayda deeqda waxbarasho helay.

Munaasibadda casha sharafta ah oo ahayd mid ay dadka ka muuqatay farxad, ayaa intii ay socotay waxa ay dadku hambalyaynayeen ardayda dedaalka badan muujiyey ee uu nasiibkoodu u saamaxay in ay deeqdan waxbarasho helaan. Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS, Md.Ixsaan Cumar Ismaaciil, waxaanu hambalyo u diray ardayda xafladda loo sameeyay, kuwaas oo uu sheegay in ay dedaal muujiyeen. “Waxaanu ku faraxsanahay in ardaydii aanu waxbarnay ee aanu gacanta ku haynay aanay  tacab khasaarin ee ay ka faa’iidaysteen wixii aanu barnay, adduunyadu way socoto oo wax kasta oo uu qofku isku dayo in uu qabto waa uu ka midho dhalin karo, isaga oo tusaale u soo qaatay guusha ay ardaydaasi gaadheen.

Waxa isaguna madashaas ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS Mudane Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, waxaanu faahfaahiyey tirada wadamada iyo ardayda ay tartanka la galeen 7-da arday ee xafladda loo sameeyey, waxaanu yidhi “80 dal baa u tartamay
jaamcadahan waxaana ka qayb galay oo ku guuleystay 55,000 arday, Somaliland-na waxay ka heshay 10 arday, 7 ka mid ahina waxay ka soo  baxeen Jaamcadda ADMAS.”

 waxaanu dardaaran u soo jeediyey ardaydaas oo uu u sheegay in ay

metelayaal umad iyo dal dhan, loogana fadhiyo in ay dedaalaan oo ay ku soo noqdaan dalkooda iyagoo wax soo bartay, si ay dalkooda iyo  dadkoodaba u anfacaan.

Waxa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiqaadir Dhaashane, oo ka socday Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaanay sheegay in ay isaga farxad gaar ah u tahay, isla markaana ay taababanayso, maadaama oo uu ka mid ahaa macallimiintii seeska u dhigtay waxbarashada Somaliland. Mudane Cabdiqaadir waxa uu sheegay in ay u arkaan Jaamacadda ADMAS mid tayadeedu is muujisay, isla markaana ay tartankii kaga guulaysatay jaamacadaha kale ee dalka, waxaanu yidhi
Ugu dambayn waxa kale oo isaguna hadal ka jeediyey xafladdaas Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye, waxaanu dardaaran waayo-aragnimo u soo jeediyey 7-da arday, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay dedaal. Agaasime Khadar, waxa uu xusay in guddida Tacliinta Sare ammaantay  Jaamacadda ADMAS, iyaguna wasaarad ahaan ay ku xisaabtami doonaan.