Xildhibaan Dheeg Oo Ka Hadlay Muran Dhul Oo Ka Taagan Deegaanka Sabawanaag Iyo Odayaal Loo Xidhay

0
497

Picture4Sabawanaag (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay muran dhul oo ka taagan deegaano ka tirsan degmada Sabawanaag ee Gobolka Maroodi-jeex.

Xildhibaan Dheeg, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muranka dhuleed oo ka dhashay tuulo Lagu Magacaabo Daba-gaabo oo Sabawanaag oo deegaanka Hargeysa ka tirsan oo meel 1KM u jirta laga yagleelay tuulo kale, taasi oo keentay muran, murankaasi oo sababay in la xidho odayaal ka kala tirsan labada beelood ee tuulooyinkaasi degga.

Xildhibaan Yaasiin oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Tuulada Daba-gaabo oo uu ka qodnaa Balley Maxamed Daa’uud leeyahay oo la qoday dhowr iyo kontonkii oo sidii u qaraaradan oo ilaa barigaa laga cabbayey, ayaa qolo kale oo ay Wallaalo yihiin ay u daggeen 1KM ballina way ka qodeen, qoladii kale ee Maxamed Daa’uud-na koodiibay bilaabeen, waxayna ku ashkatoodeen ka cusub halanaga baab’biiyo oo kii hore hala soo wada deggo”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) waxa kale oo uu faahfaahisay talaabadii xukuumaddu qaaday murankaasi ka dib “Dawladda ayaa tagtay oo waxay u dirtay wasiir ku xigeenka amniga iyo booliska, dhammaantoodna waxay yidhaahdeen meel daaqeen ah oo la deggay ma jirto ee laba tuulo oo 1KM u dhaxeyso weeyaan, soo dhameeya ayaa lagu yidhi oo nabad ku soo dhameeya, dabadeedna labadii dhinac ayay midba 10 (Ruux) ka soo qaadeen, ka dibna way is dhex taageen oo waxay yidhaahdeen qolada cusub tuuladooda laga dumin maayo ee labada Magaalo ayaa la is gaadhsiinayaa, Magaalada Magacii waa laga badalay oo Balayalay ayaa loo bixiyey, waxaana la isla qaatay in Guddoomiyaha Magaalada la siiyo qoladii Maxamed Daa’uud” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Laakiin guddidii wixii ay odayaasha ka soo saxeexeen waxa loo bedalay Guddoomiyaha Magaalada waxa la siiyay qolada Cabdalle Isaxaaq, markaa qoladii Maxamed Daa’uud taas ayay ka yara booday”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in markaa ka dib la xidhay odayaasha markii hore xalka ka gaadhay khilaafkan, halkii ay ka ahayd buu yidhi in la xidho Guddoomiyaha tuulada Daba-gaabo “Waxa la xidh-xidhay labadii Madax-dhaqameed ee labada (Beelood) iyo odayaashoodiiba, wax dambi malaha labada qolo ee (La xidhay) ee ninka dadka isku dilayaa waa Guddoomiyaha degmada, waa ninka Cali Tuur la yidhaahdo oo qoloba af ula tagaya, waxaan leeyahay wasiirka daakhiligu dhexdhexaad ha noqdo oo ciddii dambi leh ha xidho”