Jaamac-Shabeel Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Inay Is Waafajin Kari Weyday Sarrifka Iyo Maceeshada

0
845

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka gaabisay inay is waafajiso qiimaha maceeshada iyo qiimaha sarifka, waxaanu xusay in Hay’addihii ku shaqada lahaa ee Xukuumaddu ku fashilmeen sugida qiimaha maceeshada.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel)  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Qiimihii Sarifka lacagta Doolarku aad buu u jabay, oo qiimo jaban baa lagugu sarifaya, dukaankuna halkii dollar toban kun buu kugu dhufanayaa, marka uu wax ka iibinayo, waa iin arintan wax loaga qabto, oo Hay’addaha ku shaqada leh ay wax ka qabtaan, waana in wax laga qabtaa Meheradahan dadkii dhacaya,talaabo sharciyana laga qaada”.

Mar uu ka hadlaayey cidda sababta u ah in wax laga qabto maceeshada qaaliga ah iyo sarifka jabay ee kala duwan ayaa yidhi “Aad baa looga gaabiyey in wax laga qabto, oo ciddii ku shaqada lahayd ayaa ka gaabisay, waxayna ahayd in maceeshada iyo sarifku wada socdaan, oo si siman ay u wada socdaan, may ahayn inuu Baanka oo kaliya talaabada qiimo dhaca Sarifka uu qaado, ee Wasaaradda Ganacsiga, iyo Baanka dhexe inay si wada jira ah inay u wada hawlgalaan ayey ahayd, waxbana dhibatadii lagama qaban, oo kii qaadanayey shilinka Somaliland waxba muu faa’iidin,oo wali dhibaatadii wey haystaa, oo waxba kamay jabin,  kii doolarka haystayna uu khasaaray,  kii doolarka loo soo dirayeyna boqolkiiba shan iyo labaatan buu sii khasaaray,waxayna ahayd ugu yaraan in labada miduun faa’iido, oo loo fikiro, oo labadii talaabo ee ahayd in isku mar la qaado, ayaa kala horeeyey, caana data dabadood la qabaye, Hay’addaha ku shaqada leh waa inay iska daayaan siyaasad xumada, waana in laba sicir oo kala duwan aanay jirin,ee dib ha iskugu noqdaan, oo ha saxaan masuuliyad daradooda ay ka gabiyeen wax ka qabashada dhibaatadan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here