Madaxweyne Biixi Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabanaya Iyo Geeska Afrika Oo Soo Xaqiijiyay Inaanu La Kulmin Madaxweynaha Puntland

0
1072

Hargeysa(Geesa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto magaalada Hargeysa, ka dib socdaal qaatay saddex habeen oo uu ku tagay dalka UAE.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi iyo weliba masuuliyiinta uu la kulmay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu jirin war la isla dhex marayo oo sheegaya inay dalka UAE ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, “Ma jiro kulan dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Puntland.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay isku gaadheen dalka UAE, laakiin lama oga in socdaalkoodu ahaa qorshe ay dawladda UAE doonaysay inay ku kulansiiso labada masuul iyo in kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here