Jaamac Shabeel Oo Sheegay In Diiwaangelinta Kaadhka Qaadashada Muwaadinku Fashilantay

0
473

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa sheegay inuu fashilantay  diiwaangelinta madaniga ah ee lagu qaadanayay kaadhka jinsiyada muwaadinka.

1

Mr. Shabeel, oo shalay u waramay telefishanka Bulsho TV , wuxuu dadka ugu baaqay inay qaataan kaadhka diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo uu tilmaamay ahmiyada uu leeyahay. “Diiwaangelintu waxa weeye, qofku beri cidda uu doono haw codeeyo murashixiinta soo socda, laakiin annaga xisbiyo ahaan iyo xukuumad ahaan iyo komishan ahaanba iyo dadka inta wax garanaysa, waxa waajib ku ah in lagu wacyigeliyo dadku sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen ee uu qof waliba kaadhkiisa u qaadan lahaa. Waxa kale ee soo hadhay waa farsamo, gobalkii Maroodi jeex oo afar degmo ka kooban laba ayaa Berbera la raaciyay, sababtuna waa farsamo.” ayuu yidhi Mr. Shabeel.

Isagoo ka hadlaya diiwaangelinta muwaadinka ee fashilantay, wuxuu yidhi  “Diiwaangelintaas hore ee aad sheegayso, anigu shakhsi baan ahoo iyadoon bilaabmin ayaanan ku qanacsanayn qaabka loo waday oo ay ii muuqatay inay fashilmayso bahashaasi sida u muuqatay kaadhkan jinsiyadu markii la bilaabay qorshihii loo dhigay  inuu fashilmayo ayay diiwaangelintii hore u muuqatay inay fashilmayso. Kan muwaadinku waad ogtahay wuu fashilmay wax socda maaha.”