Abwaan Gaariye Oo Farriin U Diray Guddiga doorashada iyo Ururada siyaasada

0
1241

Hargaysa( Geeska )-Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa ku tilmaamay fikrad aan sax ahayn in haataan ay xisbiyada iyo ururada ku tartamaaya golaha deegaanku ay ku mashquulaan xulashada murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee doorashada ay afar sannadood ka hadhsanyihiin. Waxaanu Abwaanku si adag u dhaliilay kulan ay dhawaan guddiga doorashadu qabteen oo lagu darsayay caqabadaha hortaagan guud ahaan doorashooyinka, gaar ahaan caqabaabwaan-gaariyed ka hor iman karta dadka u codaynaya xubnaha golaha deegaanka ee doorashadan.

Abwaan Gaariye waxa uu sheegay in musharaxa ummadda soo hortaagnaada muddo afarsano ku dhaw ay dadku dabeecadahiisa baranayaan, loona baahan yahay inay xibiyadu keenan qof markaas la xiisaynaayo oo waji cusub. Abwaan Gaariye waxa uu Komishanka qaranka u soo jeediyay inay hawsha loo igmaday ay qabtaan isla markaasna ay xalilaan caqabadaha horyaala ee aanay horeba u soo bandhigin intii doorashadu aanay soo dhawaan.

Abwaan Gaariye, oo isagoo jooga magaalada Oslo ee dalka Norway xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi  “ In Xisibiga ama ururku uu musharaxa iyo gudoomiyaha kala saaro waxba kama qabo, waxaan-se wax ka qabaa musharaxan la leeyahay isagoon madaxweynihii kale aan dhamaysan afar sanadood kadib musharaxa tartami doona ee imika la sii sheegaayo maan arag meel ay aduunyada ka dhacday xataa, dumuqraadiyadan aan ku shaqayno  nimankan reer galbeedka ayaa ina baray, wali maan arag nin la leeyahay waa murashaxii xisbiga  ee afar sanadood kadib is soo sharaxaayay.” waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi Abwaanku “ Imika doorashada madaxweynahu waxa ay ka dhacaysaa wadanka Maraykanka sanadkan aan ku jirno, Obama xisbigiisa xisbiga ka soo horjeeda wali musharaxiisii ma naqaano, illaa iyo imika loolankii ayay ku jiraan walina ma cada oo ma naqaano Obama ninkii sanadkan  isla soo taagi lahaa, waxa looga jeedaa hadii murashaxu uu sii jiro oo uu afar sano sii jiro waa la sii garanayaa oo murashaxa dabeecadhiisa ayaaba soo baxaaya, markaas waxa uu ku wanaagsan yahay murashaxu inuu  qarsoonaado. Mida labaad marka uu xisbigu leeyahay gudoomiye iyo murashax afar sanadood wada jooga  sidee bay u wada  shaqaynayaan labadoodu, waxa aan leeyahay xisbi kasta ama urur kasta waxba kama qabo inuu gudoomiyaha iyo murashaxa kala saaro waar musharaxa maad dib u dhigtaan.”

Waxa uu Gaariye sheegay in saddexda xisbi ee soo baxa oo kaliyaata ay awood u leeyihiin inay musharax madaxweyne soo sharaxdaan, balse inta ka soo hadhaa ay ku socdaan baadil “ Qodabka labaad ee aan intaas ku darayaa waxa uu yahay, saddexdii xisbi iyo ururo ayaa tartamaaya waxa soo baxi doona marka u danbaysa saddex kamid ah uun, saddexdaas kamidka ah ee xisbiyada noqda ayaa awood u leh inay murashax madaxweyne sameeyaan, shan iyo tobanka kalena waa baadil imika hadday murashaxyo sameeyaan, aniguna waxaan leeyahay ninka murashaxnimo u tartamaayoow lacagtaada iyo wakhigaaga ha ku khasaarinin, waxaan leeyahay saddexda xisbi ee awooda u leh inay murashax sameeyaan waar hala gaadho.” Ayaa uu yidhi Gaariye, waxa isaga oo guddiga doroashooyinka la hadlaya uu yidhi  “Qodabka  kale maalin dhawayd waxaan arkaayay qolada komishanku inay sameeyeen shir ku saabsan sida loo qabanaayo doorashada golaha deegaanka oo la leeyahay caqabadaha hortaagan doorashada golaha deegaanka, oo ay leeyihiin 25 murashax ayaa urur-kasta laga soo sharaxayaa Hargaysa haddaan ka soo qaadno matalan, ururadii iyo xisbiyadiina tiradoodu waa sideed iyo toban 18 marka lagu dhufto 25 afar boqol iyo saaid ayay noqnayaan, markaa waxa  ay ka hadlayeen farsamo ahaan siday u suuro galayso, waar markii aad ka hadli lahaydeen imika wax la soo dhaafaybay noqotay, oo wakiiladii iyo guurtidii ayaa soo baasgareeyay oo madaxweynaha ayaa loo geeyay oo isna baas gareeyay,  xeer bay noqotay, waar intii ka horaysay maxaad qabanayseen, doodani waxay macno samayn lahayd haddii hadda kahor la soo bandhigo, laakiin maanta waxaan u arkaa saanbuuse laga adimay, waxaan leeyahay dadka ayaan la wareerinina’e qolada komishankaay hawsha idinkay  idiin taala weeye ee ka dabaasha.”