Itoobiya Oo Xadka Wajaale Ku Qabatay Hal Milyan Iyo Badh Dollar

0
1451

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xadka Wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ku qabatay lacag dhan 1.5 milyan dollar (Hal milyan iyo badh dollar) oo dalkeeda lagala soo baxaayay.

Warbaahinta FANA ee ku hadasha afka dawladda Itoobiya, ayaa xalay baahisay in ciidamada Booliska Itoobiya ay Kaantaroolka Wajaale ee dhinaca Itoobiya ku qabteen lacag dhan 1.5 milyan dollar, waxaanay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale dalal kale lagu qabtay dahab miisaankiisu yahay 7kg.

Dadka lagu qabtay lacagtan dollarka ah iyo dahabka ayay idaacadu sheegtay in xabsiga loo taxaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here