Ergaygii Turkiga Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Gaadhay Muqdisho, Kuna Soo Jeeda Hargeysa

0
1054

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana gobalka soo gaadhay ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar.

Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho, ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan.

Geesta kale, warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa Geeska Afrika toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas.

Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here