Addis Ababa
Sharcigani waxa uu 15 sano oo xabsi ah ku ciqaabayaa qof kasta oo la ogaado in uu adeegyadan isticmaalay. Ururka wariyeyaasha aan xuduudda lahay ee lagu magacaabo Reporters without borders ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya ay sheegtay in sharcigan looga maarmi waayey sababo la xidhiidha amniga qaranka awgood iyo weliba in adeegyadan maqal iyo muuqaalka ah ee internet ka laga isticmaalaa ay caqabad ku noqdeen adeegga isgaadhsiinta dhinaca talefannada oo u xidhan shirkad ay dawladdu leedahay, sida ay ku warrameen talefishanka Aljazeera iyo idaacadda BBC laanteeda dibadda la hadhasha oo iyadu intaas ku dartay, “Rugaha Internet ka laga dirto ee Itoobiya ayaa hore dadka ugu ogolaan jiray in ay talefannada internet-ka laga diro kula xidhiidhaan eheladooda iyaga oo bixinaya qiimo aad uga jaban ka ay ka qaadi lahayd shirkadda isgaadhsiintu” shirkadda Telefannada qaranka oo iyada uu u xidhan yahay suuqa talefannadu, qiimo aad u sarreeyana ka qaadda ayaan doonayn in adeegyadeedu is dhimaan” sidaa waxaa BBC-da u sheegtay Elizabeth Blunt oo hore u ahaan jirtay wariyaha uga soo warrama dalka Itoobiya. Sharcigan cusubi waxa uu wasaaradda Isgaadhsiinta awood u siinayaa in ay mamnuuci karto qalabka isgaadhsiinta.
Tiro koob la sameeyey sannadkii 2009-ka ayaa lagu ogaaday in dalka Itoobiya oo dadkiisu yahay 82 ay internetka isticmaalaan 360 kun oo keliyi. Adeegga ay bixiso shirkadda Skype oo ah xidhiidh maqal iyo muuqaal ah ayaa la sheegay in uu yahay mid aad u xafidan oo ay adag tahay in ay dhex galaan dawladaha iyo cid kasta oo doonaysa in ay ogaato waxa la isu marinayo.
Comments are closed.