Ujeeddo: beenin war ku saabsan heshiis saami qaybsiga wershadda sibidhka oo ku soo baxay saxaafadda dalka

0
495

 

BerberaHargeysa(Geeska)-Guddiga shirkadda Berbera Cement Factory ayaa beeniyay in wax heshiis ah laga gaadhay saami qaybsiga wershadda sibidhka Berbera oo uu muddo khilaaf ka taagnaa.

Warsaxafadeed ay guddigu xalay soo saareen ayaa wuxuu u qornaa sidan:  “Shir ay isugu yimaadeen guddiga shirkadda berbera cement factory oo ka dhacay xafiiska shirkadda ee magaaladda hargaysa waxay ku beeninayaan war ku saabsan heshiis laga gaadhay khilaafkii maal gashiga wershadda iyo saami qaybsi ku soo baxay saxaafadda somaliland

guddiga wershadda waxay soo saaraan qodobaddan:

1.      Guddiga wershaddu waxay cadaynayaan inaanu jirin warka ku soo baxay saxaafadda ee dhigaaya heshiis laga gaadhay wershadda sibidhka iyo saami qaybsi laysku waafaqay toona

2.      Waxaanu u sheegaynaa ummadda reer somaliland inuu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn

3.      Waxaanu cadaynaynaa inaan laysku qaldin guddida dan iyo duco beesha ciise muuse  iyo ganacsatada wershadda sibidhka berbera oo mid kastaa uu shaqadiisa u madax banaanyahay

4.      In saamilaha kuwaytiga ah aanay ka taaganayn wax muran ah saamigiisa isla markaana dawladihii dalka u kala danbeeyay ay u qondeeyeen saamigiisa oo ah 30% isla markaana uu dalka ka fuliyay mashaariic horumarineed sida kuwa gagidda diyaaradaha ee hargaysa iyo berbera  iyo dhakhtarka sheikh iyo hawlo kale oo oo uu soo wadaba saamigiisuna waa lama taabtaan 

Guntii iyo gabagabadii hawsha wershadda waa lagu guda jiraa waxaanay maraysaa meel fiican si khayr lehna way ku dhamaan doontaa ee yaan laga hor dhicin

Guddiga wershadda

1.                Eng. Cismaan Cabdi cige

2.                Mahdi cismaan xasan

3.                Muuse xirsi abokor

4.                Xasan axmed bulbul

5.                Jaamac rooble xirsi

6.                Maxamed cabdilahi mire