Isu-duwihii Hore Ee Hawlaha Guud Ee Burco Oo Ka Hadlay Xilka Laga Qaaday

0
522

Burco(Geeska)-Isuduwihii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta ee gobolka Togdheer Xasan Qawdhan Warmase ayaa markii u horeysay ka hadlay xil ka qaadis lagu sameeyay dhawaan .

Sidoo kale isuduwaha oo u waramay qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa ka hadlay caqabado uu sheegay in ay Wasaaradiisa Burco ka dhacday. “  Marka hore shaqadda Wasaaradda kamaan tagin ,laakiin maamulka ayuunbaa layga bedelay ,wax sabab ah oo xilka laygaga qaadayna layma sheegin ,waxaase jirtay Hoteelka Dunsan ee Daalo ee Magaalada Burco oo Dawladda Dhexe lahayd ,hantida aanu ilaalinana ka mid ahaa ayaa iyadoon naloo sheegin waxaanu ogaanay Dhirtii Hoteelka oo Lix ka mid la jar-jaray ,qayb ka mid ahna la calaamadsaday si loo dhisto , dadkii dhisanaayayna waxay noo sheegeen in ay Dawladda Hoose siisay. Markaa si aanu arintaasi uga hortagno ,ninka Cabdi Cawil la yidhaado ee Bisha Cas ee Burco haysta oo hore-na meeshan gacanta ugu hayn jiray ,laba meelood oo hore oo uu hayayna Hanti Qaran laga dhisay oo aan bililiqaysan ,ayaan ka codsaday in uu noo dhiso Dayrkii hore ee Hoteelka oo dunsanaa ,qarashka dhismaha ka galayna Wasaaradayadu u qiimayso ,isaguna wuu naga aqbalay ,markaa waxaan u sheegay Agaasimahayagii guud ,agaasimihina arintaa wuu ka xanaaqay ,dhiskaasina anigu meel uu ka khaldanyahay garan-maayo ,taasaana u sabab ah, in xilka laygaga qaado “ Sidaasi ayuu yidhi Xasan ,waxaanu intaasi raaciyay. “ Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxa ka mid ah Xiitaa Agaasimuhu Laba nin oo shaqaalahayga ahaa oo dad shicib ah lacag $ 7000 Doolar ah sifo sharcidaro ah uga qaatay oo aan u sheegay ayuu dalacsiiyay oo mid-na anuu igu bedelay mid-na Caynaba ayuu u magacaabay.

Waxa kale oo iyana jirta  shaqaale isku faamli ah oo aan Hay’adda shaqaalaha soo marin ayuu Agaasimuhu Wasaarada Hawlaha guud Burco keenay ,una malaynmaayo in Qabaaladu xaga sare ka timi ,laakiin ,waxaan aaminsanay Baqe ku dhacay Agaasimahayaga awgeed ayuu sidaasi u sameeyay “ Sidaasi ayuu Xasan Caano Kariye hadalkiisa kaga baxay.