Garaadka Buuhoodle Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu Waxba Ka Qaban Adeegyada Gobalka

0
433

Picture2Hargeysa (Geeska)-Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan Xoosh, oo ka mid ah Garaadada iyo Madax dhaqameedka Gobolada Barri, gaar ahaana ah Garaadka guud ee Gobolka Buhuudle, ayaa sheegay in adeegyada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee arimaha Bulshadu ee Buhoodle ay aad u liitaan, isla markaana aanay Xukuumadda Somaliland waxba kala qaban, ogeyna, waxaanu tilmaamay in xidhiidhka u dhexeeya Xukuumadda iyo Buhoodle uu aad u liito, isla markaana ay Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta ka soo jeeda Buhoodle ay dayaceen, xilkii ka saarnaa deegaankooda.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan Xoosh, oo Wargeyska Geeska Afrika ugu waramay isaga oo ku sugan Magaalada Buhoodle, ayaa ka hadlay tabashada Cali Khaliif Galaydh, waxaanu xusay in Cali Khaliif uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii Somaliland dhistay, kana qeyb galay Shirkii Boorama lagu qabtay, balse markii uu iska dhex waayey Somaliland uu Mucaarad noqday, waxaanu ku baaqay in halkii lagaga mashquuli lahaa raadinta qof in lagu awooda la saarno masiirka guud ee Beelaha Harti.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ka aloosan Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Salaaddiinta iyo Madaxa dhaqameedka reer Awdal ay ahaayeen kuwii Somaliland dhisay, waxaanu kula taliyey inay Nabada ilaashadan,waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya uu hadalkiisi ku bilaabay  “Waxa lumay dhammaan isku xidhkii ka dhexayn jiray Somaliland iyo Goblolka Buhoodle, oo muddo dheer Somaliland uga yimadaan adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo adeegyada kala duwan, waxa iyana laga seexday sidii loo soo celin lahaa Nabada iyo sidii loo soo celin lahaa, waxaana arintaas tusha ka saaraynaa Siyaasyiinta ka soo jeeda Gobolka, waxaana Madaxweynaha ugu baaqay inuu soo celiyo xidhiidhkii iyo Nabadii Gobolka ka dhexeeyey”.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan ayaa mar uu ka hadlayey xaalada Gobolka Awdal ayaa yidhi  “Gobolkani Maanta goosasho kuma jiro, Salaadiinta reer Awdalna iyaga ayaa Wadanka soo dhisay,waxtarka iyo ubucda Wadankana iyaga ayaa haya, waxaan odhan lahaa dadka sida aad wax ula qabsateen ula qabsada, Maantana Somaliland, uma baahna khal-khal, horumarku meel wanaagsan ayuu maraya, dawladda Maanta jirta waxa aan ku amaanya horumarka Gobolada dhexe  gaar ahaan Gobolada dhexe sida Hargeysa, Burco, Boorama, balse waxa ay lumiyeen horumarkii Barriga”.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan mar uu ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh dhisitaankii Somaliland uu ka soo qeyb qaatay,  Shirkii Boorama uu joogay,markii uu iska dhex arki waayey Somaliland ayuu Mucaarad uu noqday, Somaliland marka uu Nin ka maqan yahay wey doontaa, balse masiirka Umadda waxba kama bedeli karto, masiir Umadeed ayaa meesha yaala, Siyaasiyiin badan oo Gobolada Barri ka soo jeeda ayaa yimid, Rag magac leh ayaa Somaliland yimid, Cali Khaliif ayaa mar yimid, Xaabsade ayaa yimid, midna waxba kamuu bedelin Gobolada, hal shaqsina masiirka Umadda waxba kama bedeli karo, masiirka guud ee Dhulbahante iyo Harti waxba ma bedelayaan”.

Garaadka mar uu ka hadlayey hawl uu u joogo Buhoodle waxa uu yidhi “Arin nabadeed ayaan u jooga halkan, oo aan doonayo in wax yaabo la isku lahaa aan ka shaqaynayo, waxaana Xukuumadda ugu baaqaya inay horumarka iyo nabada nagala shaqayso”.