Isticmaalka Aan Loo Baahnayn Ee Dawada Jeermisdiluhu Waa Ay Ka Khatar Badan Yahay Dikhoowga Hawada Iyo Argagaxisada

34
2895

Hargeysa (Geeska)- Xeeldheereyaal caafimaad ayaa mar kale caddeeyey in isticmaalka badan ee dawooyinka antibaayootigga ahi ay khatar ku tahay nolosha bani’aadamka, khubaro badan ayaana khatarta dawooyinkani dunida maanta ku hayaan la maseeyey khatarta argagaxisada iyo Diikhowga hawada ee dunidu aadka uga qaylinayso.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa oo qoray warkan Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in la ogaaday in tobannaankii sano ee la soo dhaafay ay dhakhaatiirta iyo mihnadleyaasha caafimaadku caadaysteen in ay dawooyinka jeermisdilaha ah ee ‘Antibiotic’ loo yaqaano u qorayeen bukaanka oo aan aad ugu baahnay, taasna ay sababtay in bakteeriyo badan oo aan qofka dhib ku lahayni ay isu beddesho mid dhib leh, oo weliba adkaysi u leh dawadan.

Xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Basel ee dalka Switzerland ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in cunista badan ee dawada Jeermisdilaha ahi ay marar badan sababto xanuuno aan ahayn kuwa lagu daweynayo, oo ay ka mid yihiin samababo xanuunku.

Dawadani waxa ay waxtar beeshaa marka loo isticmaalo hab aan sax ahayn caafimaad ahaan ama qofku uu isticmaalo iyada oo aanay xaaladdiisa caafimaad gaadhin heer uu u baahan yahay. Waxaa la ogyahay in sannad kasta 700 oo kun oo qof dunida ugu dhintaan sababta xanuunno iyo nabarro dawada jeermisdilaha ahi wax ka qaban lahayd, laakiin ay waxba ka qaban kari weyday jidhkiisa oo hore ula soo qabsaday awgeed. Xanuunnadaas waxaa ka mid ah Qaaxda, Kaneecada iyo AIDS ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here