Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Kooxo Gaar Ahi Ay Dantii Dalka Dhaafsadeen Danno Gaar Ah, Qarankiina Geliyeen Af Libaax

0
574

Hargeysa (Geeska)-Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in dalku khatar ku jiro, waxaanu sabab uga dhigay inay Xukuumadda ku jiraan dad iyagu dan aan ka lahayn danta dalka, oo dantii guud ee dalka ka door biday dantooda gaarka ah.

Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda ee la filayo inay maanta Guurtidu gudo gasho, sicir bararka, saldhiga milatari iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya muddo kordhinta Xukuumadda  “Odayaasha Guurtidu in wixii la isla qaatay ee Xisbiyadu ku heshiiyeen inay ixtiraaman oo tixgeliyaan ayaan kula talinayaa, oo wax ka duwan aanay la keenin” sidaas ayuu yidhi Buubaa.

Prof: Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlayay Saldhiga Milatari iyo wararka sheegaya inuu Farmaajo kala hadlay Sucuudiga si loo joojiyo wuxuu yidhi “Warar sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiin se waxaanu iska garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa bay ahayd,  maahana wax Dawladda Xamar aanay ka war hayn,ee yaan dadka been loo sheegin”.

Prof: Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlaayey nidaamka Xukuumadda ayaa yidhi “Wadankii af libaax buu ku jiraa, waxaana loo baahan yahay in si degan arimaha jira loo eego, oo danaha guud laga horeeysiiyo danaha gaarka ah, laakiin mushkiladu waxa weeye in dad fara badan oo xukuumadda ka mid ah oo waxa hadda socda aan fahansanayn oo dano gaar ah ka leh ayaad mooda inuu xukunkii gacanta ugu jiro, waxaana haboon in si deg deg ah xukunka loogu soo celiyo danaha wadanka iyo in meesha looga saaro danaha gaarka ah”.

Prof: Ismaaciil Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey sicir bararka wuxuu yidhi yidhi “Dawladduhu ma odhan karaan sidaas wax ha lagu sarifo, laakiin waxay ka shaqeyn karaan sidii istiqaadku isku qori lahaa, iskuna hagaajin lahaa, suuqa iyo duruufta tala ayaana sicirka xukumi kara, ee marka duruufta la hagaajiyo oo wax laga qabto ayaana sicirka wax laga qaban karaa, mushkiladuna waa taas”.