Islaamka, Kelitalisnimada, Dibdhaca

0
894

Qoray: Ahmet T. Kuru

Turjumay: Kamaal Marjaan

Kontonka dal ee ay muwaadiniintooda muslimiintu u badan yihiin, toddoba keliya oo ka mid ah ayaa ay ka jiraan doorashooyin dimuqraaddi ahi. Sida oo kale waxaa muuqata in heerka horumar ee dalalka muslimiintu uu aad u hooseeyo, taas oo ka muuqata halbeegyada dhaqandhaqaale; sida maloawaalka saammiga mawaadiinka kaga soo beegmaya wadarta dakhliga qaranka ‘GNI’, celceliska da’da jiritaankooda, celceliska heerka waxbarasho ee muwaadiniinta, iyo heerka akhris-qoraalkooda marka dunida la barbardhigo. Isku soo duub oo dalal badan oo muslim ah ayaa maanta la rafaadsan giraan kelitalisnimo iyo dibdhac oo aan dhammaad lahayn.

Caqabadaha waqtigan hortaagan horumarka muslimiintu, waa kuwo fahamkooda aad loogu wareerayo, marka la eego horsocodkii dhaqandhaqaale iyo cilmi ee ay tagtadoodii gaadheen. Gaar ahaan intii u dhexeysay qarniyadii 8aad illaa 11aad oo ay muslimiintu lahayd in badan oo ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn, soona saari jirteen faylasoofyada horumuudka u ahaa adduunka, waxa aanay si aad ah uga  horumarsanaayeen heerkii ay markaas Yurubta galbeed maraysay.

Maxaa lagu macnayn karaa kala tagsanaanta taariikhdaas hore ee ifaysay iyo dhibaatooyinka waqtigan bariinsaday dunida muslimka? Laba sababood oo aad u faafay ayaa aalaaba arrintaas loo sibirsaaraa; waa Islaamka iyo gumaystaha reer galbeed, laakiin labaduba kuma qummana.

In islaamka lagu canaanto in uu teed ku yahay horusocodku waxa ay beenoobaysaa marka la qeexo guulihii dhinaca cilmiga iyo dhaqandhaqaalaha ahaa ee ay muslimiintii hore gaadheen. Muddo afar qarni ah, bulshooyinka muslimiintu waxa ay lahaayeen dabaqado fikir iyo kuwo dhaqaale oo dhidibbada u taagay casri dahabi ah oo falsafadeed iyo ganacsi. Buunniyaal aqoontoodu durugsantahay ayaa curiyey culuum jidka u furtay xisaabaadka, cilmiga ilayska iyo aragga, iyo cilmiga daweynta. Muslimiinta ayaa ay ahaayeen kuwii Yurubta galbeed baray qaybo ka mid ah nidaamka maamulka maaliyadda iyo sida warqaha loo sameeyo.

Waxaa iyaduna dhibaato ah, kelitalisnimada iyo dibdhaca watigan Muslimiinta ku habstay in lagu sababeeyo gumaystihii reer galbeedka. Yuurursiga ku dhacay dhaqaalaha iyo cilmiga dunida muslimku waxa uu soo taxnaa muddo dheer oo ka horreysay, intii aanu gumaystaha reer galbeed si aad ah ugu fidin dhulka muslimiinta qarnigii 18-naad. Waxaa intaas soo raacda in dalal kala duwan oo aan muslim ahayn oo iyaguba gumaysi soo maray, ay haddana dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda ka horumareen intii ka dambaysay gumaystaha. Taas oo marag u ah dalku si kasta oo uu u leeyahay taariikh hore oo gumaysi, in uu haddana wadi karo geeddisocodka horumarka,

Isbahaysiga culimada iyo dawladda

Sababta ugu weyn ee dhibaatada kelitalisnimada iyo dibdhaca ku habsaday inta badan ee bulshooyinka muslimka ah, ayaa ah waxa buuggayga ‘Islaam, Kelitalisnimada iyo dibdhac’ uu ugu yeedhay ‘Isbahaysiga culimada iyo dawladda’.

Intii u dhexeysay qarniyadii 8aad illaa 11aad Muslimiintii kala caqiidooyinka duwanaa ee dhidibbada u taagay casrigii dahabiga ahaa, waxa ay iskaashi la samaynayeen Kiristanka, Yuhuudda iyo dadyow diino kale haysta. Markaas waxaa jiray kala soocnaan muuqata oo u dhexeysa Culimada iyo dawladda. Tirada ugu badan ee culimadii waqtigaas jirtay si madaxbannaan ayaa ay iskood uga shaqaysan jireen ganacsiga. Xaqiiqadan taariikheed waxa ay burinaysaa aragtida hadda la isla dhex wareego ee ku doodaysa in islaamku uu asal ahaan u diiday kala soocista diinta iyo dawladnimada.

Si kastaba ha ahaato e, badhtamihii qarnigii 11aad waxaa soo ifbaxay isbahaysiga culimada iyo dawladda. Isbahaysigaasi waxa uu si tartiib-tartiib ah u takooray indheergaradkii madaxabannaanaa iyo hal-abuurradii dhaqaalaha, waxa aanay horseedday qarniyo dunida muslimka ay maskaxda iyo dhaqaaluhuba fadhiiid noqdeen.

Intii lagu jiray qarnigii 19aad, maamuleyaashii isbeddeldoonka ahaa ee dunida muslimka talada u qabtay waxa ay daciifiyeen isbahaysigii ay lalahaayeen Culimada, horraantii qarniga labaatanaadna, inta badan ee hoggaamiyeyaashii dawladaha Muslimiinta ee hadda dhisay waxa ay ahaayeen calmaaniyiin. Si kastaba ha ahaato ee, isbeddeldoonka iyo calmaaniyiintu hal dhibaato ayaa ay wadaagayeen; waxaa labadoodaba maanqaaday dawladnimada, halkii ay ka ahayd in ay dhiirrigeliyaan soo bixitaanka dabaqado aqoonyahan iyo dhaqaale oo firfircoon, waxa ay kordhiyeen kaalinta ay ciidamada iyo hawlwadeennada rayidka ahi ku lahaayeen siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Siyaasadihii calmaaniyiinta ee guuldarraystay ayaa caawiyey soo shaacbixii culimada iyo islaamiyintii ee intii ka dambaysay 1970 naadkii. Muddo rubuc qarni ah, dalal badan oo muslimiin ah oo ay ku jiraan Iiraan, Baakistaan, Masar iyo Turkiga ayaa ay ka hirgaleen Mashaariic islaamiyeyn bulsho, siyaasadeed iyo sharci ahi, taas oo mar kale soo noolaysay isbahaysigii culimada iyo dawladda.

Shidaalka ayaa sii huriyey isbahaysiga

Intii ka dambaysay xiisadihii shidaalka ee 1973 kii, dalal kala duwan oo gaar ahaan kuwa gacanka ah ayaa bilaabay in ay dakhliga saliidda ka soo gala ku maalgeliyaan, xoojinta isbahaysiga culimada iyo dawladda ee dalalkooda iyo ajendayaasha islaamiyiinta ee dunida kale. Isbahaysigan culimada iyo dawladda ee casriga ahi waxa uu jideeyey qawaaniin gaalnimo iyo diin ka noqosho (Riddo) ku salaysan oo lagu ciqaabayo aragtiyaha diineed iyo siyaasadeed ee ka soo horjeeda.

Siyaasadaha dhaqaale ee isbahaysiyadan ayaa sida oo kale ah kuwo xidhxidhan oo ay waxtar la’aan ka dhigeen halka tusaale ahaan, la wareegista hantida gaarka ah ee dadku ay nootay hab ay dawladuhu ku xakameeyaan dhaqaalaha, kuna ciqaabaan mucaaradka.

Marka la eego caqabadaha soojiitamay ee qaabdhismeedka maamul ku jira, waxa ay su’aashu tahay, ‘maxaa la samayn karaa si dib loogu qaabeeyo mustaqbalka?’

Anigu waxa aan ku doodayaa in burburinta isbahaysiga culimada iyo dawladnimada iyo dib u dhiska dhaqaaluhu ay lagama maarmaan u yihiin awoodda ay dalalka muslimiintu u leeyihiin in ay gaadhaan dimuqraadiyad iyo horumar.

Dib u habayni waa lama huraan

Marka aynu si fudud u dhigno, halkii aynu Islaamka ama reer galbeedka ka saari lahayn eedda dibdhaca iyo kelitalisnimada, bulshooyinka Muslimiinta ahi waa in ay is weydiiyaan, qarniyadii ay soo mareen ee garaad-la-dirirka iyo gacan ku haynta dhaqaalaha ay dawladahoodu ku suntanaayeen.

Isdhaliilid run ah oo ay bulshada muslminiintu iyadu iskula noqoto ayaa ah sida keliya ee ay xal dhab ah ugu raadin karto dhibaatooyinkeeda siyaasadeed iyo dhaqaale. Alle (SWT) miyaanu Qur’aankiisa ku odhan, “Ilaahay ma beddelo xaaladda dadka haddii aanay iyagu nafahooda beddelin” (Suuradda A-Racad aayadda 11)

Marka dawladnimada laga hadlayo, bulshooyinka muslimka ahi waxa ay u baahan yihiin in ay helaan nidaam xukun oo ku dhisan mudnaanta oo la siiyo haldoorka iyo xulka u qalma, dedaal la bixiyo iyo waxqabadka oo la gaadho, halka ay ka noqon lahayd in la tixgeliyo hantida ama dabaqad gaar ah oo bulshada ka mid ah.

Waa in la helaa nidaamyo furfuran oo dhiggooda la loollami kara. Iyada oo dabaqadaha diineed, indheergarad iyo dhaqaale ay si madaxbannaan u shaqayn karaan. Isbeddel jaadkaas ah oo la helaana waxa ay u baahantahay in la kobciyo aragtida ah in diinta laga saaro dawladda. Islaamku asal ahaan ma diidayo taas, marka loo noqdo taariikhdiis hore ee muslimkana waxaa mar kasta jiri jiray heer kala soocnaanshiyo oo u dhexeeyey diinta iyo nidaamka siyaasiga ah.

Sida oo kale, dib u habaynta waa ina lagu daraa in la ballaadhiyo xoriyadda fikirka, iyada oo meesha laga saarayo qawaaniinta ah in qofka kaa aragtida duwan lagu tilmaamo gaal iyo murtad, si aad u xeeldheerna loo ilaaliyo hantida gaarka ah ee qofku leeyahay, lagana hortago in ay dawladdu sabab uun kula wareegto.

Waxaa hadda jirta dhiirrigelin dhaqaale oo xooggan oo dhinaca isbeddelka u janjeedha. Dakhligii shidaalka ee lagu maalgelin jiray isbahaysiga culimada iyo dawladduna waa uu sii engagayaa, kaydadkii khayraadka saliidduna waa ay sii gudhayaan, waxaana dunidu si ballaadhan ula soo qabsanaysaa tamarta teknoolajiyada. Sidaas awgeed, dalal badan oo muslim ah ayaa u baahan doona in ay sameeyaan isbeddel dhaqaale iyo hal-abuur  ay ku hodmaan marka xilliga shidaalku galbado.

In dib u fasiraad lagu sameeyo taariikhdu waxa ay muhiim u tahay, jidkana u xaadhaysaa isbeddelka loo baahanyahay. caqabadaha ka imanayey qaabdhismeedyadii maamul ee jiri jiray oo teed ku ahaa horumarka dunida muslimka, gaar ahaan isbahaysiga culimada iyo dawladdu waxa uu lahaa xididdo fog oo taariikheed.  Si kastaba ha ahaato ee, taariikhda Islaamka waxaa ku jira waayoaragnimo ku dayasho mudan oo in wax laga bartaa ay ruux gelinays isbeddlada ay tahay in lagu sameeyo xidhiidhka diinta dawladda iyo dhaqaalaha.

***

Maqaalkan waxaa afka Ingiriiisiga ku qoray Bare-sare Ahmed T Kuru oo culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda San Diego ee dalka Maraykanka. Waana qoraaga buugga “Islam, Authoritarianism, and Underdevelopment: A Global and Historical Comparison.”