Diyaarad Sidday Diblumaasiyiin Ruush Ah Oo Shalay Soo Cago-dhigatay Madaarka Cigaal Ee Hargeysa & Xogaha Ku Lamaan

0
1673

Hargeysa (Geeska) – Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa Sabtida Maanta soo cago-dhigtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo ka soo kacday Magaalada Caasimadda ah ee Moosko isla-markaana soo martay Magaalada Al-cayn ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa subaxdii hore ee Saaka timid Hargeysa.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay SAPSAN ( Antanov ) ayaa numberka u diiwaangashan uu yahay AN74 EX-74001.

Illaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada diyaaradda Ruushka ahi u timid Somaliland, balse Warar qaarkood ayaa sheegay inay sidday diblumaasiyiin Ruush ah, kuwaasi oo doonaya inay Wada-xaajood la yeeshaan Xukuumadda Somaliland, inkasta oo aan la sheegi karin waxa uu ku saabsan yahay Wada-xaajoodkaasi, hase-yeeshee socdaalka Weftiga diblumaasiyiinta Ruushka ah ee la sheegay inay Hargeysa yimaaddeen, ayaa ku soo beegmaya xilli dunidu isha ku hayso Somaliland, sidoo kalena uu soo xoogaysanayo dedaallada ictiraaf-raadinta Somaliland.

Dawladda Ruushka oo hore Warbaahinta Caalamiga ahi u tebiyeen inay danaynayaan inay Saldhig ka samaystaan Somaliland, ayaa waxa arrintaa sii xoojiyey ka dib markii Dawladda Suudaan sheegtay inay dib u eegayso heshiis ay la gashay Ruushka, kaasi oo ahaa inuu Saldhig Ciidan ka samaysto halkaasi, taasi oo keentay in Ruushku ka fikiro dalkii u beddeli lahaa Suudaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office