Ishaarooyinka Faraha Ee Bulshooyinka Qaar Caadada U Leeyihiin Kuwo Kalana U Yaqaannaan Ceebta

0
199

Picture11Hargeysa (Geeska)- Bulshooyinka kala duwan ee dunida ku dhaqani sida ay u kala diin iyo hidde iyo dhaqan duwan yihiin ayaa ay u kala caadooyin duwan yihiin. Waxaa jira caadooyin badan iyo ficillo bulshooyinka qaar u ah dhaqan oo kuwo kale u yaqaannaan ceeb. Tusaale ahaan, waxaa jira mararka qaarkood in qofka oo aan ereyo afka ka odhanin in uu indhaha, carrabka ama faraha ka bixiyo ishaarooyin u taagan macne buuxa oo qofka kale fahmi karo. Laakiin haddana ishaarooyinkaas ayaa qudhoodu u kala duwan sida uu dhaqanka iyo afka bulshooyinku u kala duwan yahay, oo waxaa dhacda in ishaaro ay bulsho isticmaashaa ay ceeb weyn ka dhex tahay bulsho kale, qormadeenna maanta waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah ishaarooyinka bulshooyinka qaar dhexdooda caadiga ka ah, kuwo kalana u arkaan ceebta.Picture12

1. Suulasha labada gacmood oo mar keliya kor loo wada taago:  sida sawirkan ka muuqataa dalal badan ayaa ay u tahay caado uu qofku ku muujiyo taageerada uu arrin u hayo iyo in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay wax u dhacayaan, laakiin taas dunidu kama wada sinna. Bulshooyinka dalalka Iiraan iyo Afghanistan ishaaradan labada suul kor loo taagayo waxa ay u yaqaannaan cay iyo calaamada astaan u ah dhaqan xumo iyo fisqi uu qofkani ku dhex jiro.

2. Faraha murdisada iyo far-dhexada: In uu qofku mar keliya kor u wada taago faraha murdisada iyo far-dhexada iyada oo dhinaca baabacada uu isagu isku jeedinayo, waxa ay ishaaraysaa in uu qofku tilmaamayo ama ka hadlo tiro laba ah, ama laba shay uu u jeedo. Waa dhaqan inta badan ee dunidu ay ka siman tahay in qofka doonaya in uu laba shay tilmaamo ama dalbado isaga oo aan hadlaynin uu ishaaradan ku sheegto, laakiin dadka asal ahaan u dhashay dalalka Ingiriiska, Ustaraaliya, New Zealand iyo Ireland waxa ay ka siman yihiin dhaqan ceeb u arka ishaaradan. Bulshooyinka labadan dal ee hiddihii iyo dhaqankoodii asalka ahaa weli xasuusan haddii qof uu ishaaradan u taago waxa ay u arkaan in uu caayayo oo uu meel kaga dhacayo akhlaaqdooda.Picture13

Isla ishaaradan oo laakiin gacanta baabacadeeda loo jeediyo dhinaca dibaddu waxa ay dunida oo dhan u tahay astaan lagu muujiyo guusha, mana la soo sheegin cid ceeb u taqaanna.

3. Gacan taagista: Inta badan ee bulshooyinka dunida ku dhaqani waxa ay ka siman yihiin caadada ah in ay gacanta kor u taagaan marka ay cid salaamayaan, marka ay qof ka durugsan is tusayaan si uu u arko ama u garto iyo marka ay doonayaan in ay cid joojiyaan, gaar ahaan waxaa dunida caan ka ah in qofku marka uu tagsiga joojinayo uu gacanta kor u taago.

Si kastaba ha ahaato ee dhaqankaas ah in gacanta kor loo taago dadku waa ay ku kala duwan yihiin, oo tusaale ahaan laba ruux oo isku bulsho ka soo jeedo ayaa laga yaabaa in midkood uu gacanta kor u taago marka uu ishaaraynayo arrimaha aynu kor ku soo xusnay, halka laga yaabo in kan kalana uu gacanta kor u taago laakiin uu lulo oo kor iyo hoos ama bidix iyo midig uu u dhaqaajiyo.

Laakiin dadka dalka Kuuriyada Koonfureed iyagu si ka duwan inta badan ee bulshooyinka dunida waxa ay cay iyo xaqiraad u yaqaannaan in qofku uu gacanta u taago isaga oo aan lulayn ama dhinacyada u dhaqaajinayn, oo ay u taagan tahay qaabka sawirkan ka muuqata. Marka uu qofku cid salaamya, tagsi joojinayo ama qof ka durugsan is tusayo ee uu gacanta ishaaraynayo waa in uu gacantaas lulaa oo kor iyo hoos u dhaqaajiyaa ama bidix iyo midig u lulaa. Dadka Kuuriyada Koonfureed waxaa caado u ah in gacanta oo kor loo taago iyada oo aan la lulayn ay tahay hab loogu yeesho ama ishaaro lagu hago eyda. Oo qofku marka uu eygiisa u yeedhayo ama is tusayo uu gacanta qaabkaas ugu taago, sidaa awgeed qofka oo aad qaabkan u ishaaraysaa waxa ay muujinaysaa xaqiraad iyo cay.