Isbedelka Maamul Ee Maraykan Iyo Siyaasada Ganacsiga Dunida Ukalagoosha Sayid A.Gaas. Sayidgaas3@hotmail.com

0
771

1Dhaqaalaha caalamiga ah ama sikale hadaynu  unidhaahno ganacsiga aduunyada ukala gooshaa  waxa lagu tilmaamaa inuu  ahaa laantii  ugu  horaysay ee albaababada ufurtay daraasaynta cilmiga dhaqaalaha ee maanta aynu ognahay halkuu  kaga jiro aqoonta jaamacadaha lagu dhigo iyo wararka maalinlaha ah ee lagu baahiyo war-laliyayaasha kalagedisan. Inkastoo ay jireen qoraalo  dhaqaalaha kusaabsan oo ay qoreen aqoonyahan kaladuwan  oo ay kamid ahaayeen kuwo Muslim ah sida Al-Ghazali,Abu Yusuf iyo Ibn Khaldun oo dhaqaalaha qaybo badan oo ganacsiga dunida ukala gooshaana kamid yahay wax kaqoray xiliyo  aad udurugsan oo kasoobilaabma hilaadihii 630 taariikhda miilaadiga ,hadana badanaa buugaagta qoran oo aqoonyahano reer galbeedi badankooda qoreen waxay ka soo raadraacaan 1730 yadii markaas oo qoraalkii ugu horeeyay ee si cilmiya u agaasiman uu qoray filisoofarkii Iskotishka ahaa David Hume kuna magacaabay “dheelitirka Dhaqaalaha Dunida ukala Goosha” .Waxaa soo raacay islamarkaana ibo-furay doodaha cilmiga dhaqaalaha,marar badana lagu tilmaamaa “aabihii cilmiga dhaqaalaha” Adam Smith oo asna qoray qoraal uu kudarsay dhaqaalaha,gaar ahaana ganacsiga caalimiga ah ee wadamada ukala talaaba ugana magacdaray “Maalkqabka Quruumaha” 20 sano uun kadib markii saxiibkiis Hume qaraalka hore soobandhigay.

Lagasoo bilaabo taariikhdaa fog ganacsiga wadamada isaga gudbaa wuxuuu xuddun u ahaa doodaha dhaqaalaha aduunka. Wadamada duniduna waxay kuwajeheen siyaasado kalagedisan. Kuwo xidhay dhaqaalohooda oo xanibaado saaray inay wadamada dunidu alaabo ama khidmado  usoodhoofiyaan,kuwo xanibaado kooban labeegsaday alaabooyin gaar ah iyo kuwa kudooda inay gebi ahaanba ufureen dhaqaalahooda wadamada dunida. Siyaasadahan  ganacsiga dunidu ku qaabileen  ganacsiga kadhaxeeya wadamada kale ee dunidu wuxuu ahaa mid isasoo bedelaya xagga taariikhda iyo wadamadaba.

 Wadamo badan oo kuwa kudinada ugu dhaqaalaha badani kamid yihiin waxay soo mareen wada dheer ilaa ugu  danbayntii ay  sheegteen in dhaqaalohoodu dunida ufuranyahay islamarkaana ay olole ugaleen in dunida kale oo wadama sookoriyaana kamidyihiin ay ku tirtirsiyaan in ay albaabada ufuraan dunida inteeda kale. Dhawaaqan dhaqaalaha furan wuxuu sii xoogaystay 1980 aadkii xiligaas oo Madaxwaynii maraykanka Ronald Reagon iyo Raysal wasaarihii Ingiriiska ee xiligaa Margret Thatcher ay qaateen siyaasada ah in laga takhaluso  ama uguyaraan layareeyo xanibaadaha ganacsiga ee wadamadu adeegsadaan.

Furitaanka ganacsiga waxaa suaalo badan ka keenay dadyaw kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa kunool wadamada sookoraya iyo kuwo kunool wadamada horumaray. Wadama sookooroyaa waxay cabsi kamuujiyeen suurtagalnimada in shirkadoohoodu la tartamikaraan shirkadaha reer galbeed ee adeegsada tignooliyad awoodeedu sarayso. Waxaanay saadaaliyeen in shirkadahooda suuqa kujiray iyo  kuwa hada soogelirababa ay suuqa kasaarikarto. Arintanina waxay kasameeyeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo oo gaadhsiisan heer dawladeed iyo kuwo qoraalo akaademi ahba.Dhanka kale shucuubta kunool wadamada hore umaray xaga dhaqaalaha waxay cabsi kagashay in waxsoosaarkoodu kula tartamikaro suuqyadooda iyo kuwa dalalka kaleba alabooyin lagu sameeya wadamo haysta shaqaale jaban islamarkaana qiimo jaban alaabooyinkooda ku keenikara suuqyada caalamiga ah. Waxa kaloo ay u arkeen khatar shaqaalohooda kusoofool leh markii ay arkeen shirkado badan oo reer galbeed ah oo saldhig waxsoosaar kadhigtay wadamadaa qiimaha mushaharkoodu hooseeyo islamarkaana shaqooyinkii uweeciyay shaqaale badan oo kunool wadamada sookoraya. Inogoon halkan doodaa kufaaqidaynin waxaynu kutasayneyuun aragtiyaha laga qabo dhaqaalaha wadamada ukala goosha si aynu ufahmikarno waxyaabaha keenay cabsida laga qabo siyaasadaha maamulka cusub ee Maraykanka.

  Siyaasadaha Maamulkan cusub ee Maraykanka ee kuwaajahan dhaqaalaha caalamiga ah waxaa liiska xaga hore kaga jira isbedel ay kusameeyaan xidhiidhka ganacsi ee ay laleeyihiin wadanka Shiinaha iyo kan wadanka Mexico iyo heshiiska madaxwayne Obama dabada kariixayay ee looyaqaant TPP(Trans-pacific partnership) ee udhaxeeyo Maraykanka iyo 11 dal oo kale oo kuyaala (Japan, Malaysia, Vietnam, Singapore, Brunei, Australia, New Zealand, Canada, Mexico, Chile and Peru).

Dhinaca China,madaxwaynaha hada la doortay wuxuu ku galay kaanbaynkiisa halkudhig ah “ fursadadaheenii shaqo dib ayaynu usoo ceshanaynaa” asagoo uga jeeda in uu talaabo gorgortan oo adag kaqaadidoono alaabooyinka wadanka Chinaha lagasoo dhoofiyo  ee shaqaalohooda jaban awgeed qiimayaasha hooseeya kusoogaadha suuqyada Maraykanka asagoo saaridoona cashuur dhan 45% , rabana cashuur kordhintani  inay shirkadaha reer Maraykan ee warshadohoodu Chinaha saldhig waxsoosaar kadhigteen inay kucadaadiso inay wadanka dib ugu soonoqdaan sidaasna shaqaalaysiinta wadanka Maraykana gudihiisu kor ukacdo, sidoo kalena wax kaqabandoono dhaqanka Chinaha ee qiimaridida lacagihiisa oo ayana badhitaarta  alaabta Chinahu inay suuqyada caalamka qiima jaban kugasho.

Mexico oo dhinac ka ah heshiiska ganacsi ee seddex –geesoodka ah ee NAFTA ee dhaxeeya wadamada Maraykanka,Mexico iyo Canada oo lakala sexeexday 1992 ayaa dhankiisa bartilmaameed unoqotay ololihii  Trump asagoo kutilmaamay heshiiskii ugu xumaa Maraykan abid galo islamarkaana siduu websitekiia kuqoray sheegay in ganacsiga uu Maraykan laleeyahay dalka Mexico xaga Mexico udheeliyay 60 bilyan oo doolar.  Trump Wuxuu ku goodiyay in uu heshiiskan kabixidoono islamarkaana cashuur dhan35% uu kusoo rogidoono ganacsiga kayimaada Mexico  hadaan dib u eegis qoto dheer laga samayn. Dadka dhaliila waxay kudoodayaan  in tani dhalindoonto in dad kabadan 1 million oo shaqadoodu kutiirsantahay ganacsigan labada wadan udhaxeeya ay kudhicidoonaan shaqola,aan habase ahaatee Trump wuxuu aaminsanyahay in sidan hada heshiisku uyaal ugu khatarbadantahay dalka Maraykanka.

Dhanka heshiiska TPP(Trans-pacific partnership) ee aynu kor kuxusnay islamarkaana 12 wadan wadaagayaan laguna tilmaamaayay waxyaabaha dhaxalgalka ah ee madaxwayne Obama kadegidoono ayaa udhaw inuu  burburo. Sida uu daabacay  wargayska The New york Times maalinkii jimcihii hogaamiyaha kongarayska Maraykank qaybta xisbiga dimuquraadiga  Chuck Schumer ayaa sheegay in heshiiska TPP aanu goluhu ansixinkaridoonin. Tanina waxay ifafaale utahay in heshiiskani uu haysto suurtogalnimo hoosaysa inuu  dhimasho kabadbaado. Trump wuxuu  iskudayi  doonaa inuu katakhuluso ama dib loogawada hadlo hadiiba uu fursadaa siiyo.

Dhamaan siyaasadahan Trump iyo kabixitaankii Britain ee dhaqaalowadaagta Yurub waxay calaamad utahay jiho  ucusub oo  qaaday dhaqaalaha dunida ukalagoosha oo umuuqda inuu kusiisiqayo dhinaca siyaasado kusalaysan ganacsi xidhxidhan. Tanina keliya saamayn kumayeelandoonto wadamada heshiisyadani kadhexeeyaan ee waxaa la arkaa in ay si dadban iyo si toosaba raad ugu reebto dhaqaalaha dunida guud ahaan. Bilaha iyo sanadaha soosocda ayaa kamarkhaati kici sida maamulka cusub ee maraykan ufuliyo siyaasadahan macangega ah iyo falcelinta dhaqaalaha dunida iyo wadamada kale ee China oo ah wadanka  2aad ee dunida ugu tunka wayn  dhanka dhaqaalaha ,lagana yaabo inay aargoosi dhankooda layimaadaan siday uga jawaabaa.

 By Sayid A.Gaas

Sayidgaas3@hotmail.com

Arday wada shahaada labaad ee Dhaqaalaha Caalamiga ah,Marmara University,Istanbul,  Turkey.