SOMALILAND: “Saxaafada Waxa Loo Sac Sacay Boogta Yey Sarin”Qalinkii: Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

0
584

Xisbiga Kulmiye wax yeelooyinka Iyo dhaawca uu qaranimada JSL u Geystey ayaan ahayn wax halkan Lagu dhamayn karo, waxaanse ku Soo Qaadanayaa siduu saxaafada Madaxa bannaan u baabi’iyey, iyo Halka la gaadhsiiyey, Intii aanu xisbiga Kulmiye la Wareegin talada dalka waxa Saxaafada madaxa banaan la Odhan jirey amma loo yaqaaney Golaha afraad ee qaranka JSL.

1

Xiliyadii kala duwanaa ee lasoo Maray waxa ka mid ahaa xili ay Koligood jireen wargeys yadu, Muddo ka dib waxa ku soo biirey Saxaafada, TV-yada iyo kuwa loo Yaqaanno Websites-ka waana Markuu ina soo gaadhey internet-ku.

Xisbiga Kulmiye ka hor saxaafada Madaxa bannaani waxay ahayd meel Ay ku hirtaan dadka dulmiga ka Tirsada xukuumadihii ka horreeyey Kulmiye, waxaan rumey sanahay Xisbiga Kulmiye markuu talada Qabtay iney saxaafadu ahayd Meeshii uugu horreysey ee ay Dagaalka ku qaadeen, si aan waxba Looga sheegin, dhinacyo kala Duwan ayaanay ka galeen sida; Hanjabaad, xadhig, iyo dhaqaale ay Siiyaan si ay uula mid noqdaan Saxaafad ay leeyihiin.

Haddaan Xaqiiqada ka jirta Somaliland dhanka saxaafada iyo Xaalada ay maanta ku sugantahay is-dul-taago oo aan soo qaato Wargeys yada madaxa bannaan iyo TV-yada qaar kood, waxay si Badheedha u taageeraan xisbiga Kulmiye iyagoo weliba ay ka Muuqato qaab qabiil iyo soo kala Dhaweysi xisbiyada qaranka.

Markaad subaxdii eegto inta badan Wargeysada madax banaanida Lagu qortey aad ka dhex arkaysaa Iney ku jihaysan yihiin xisbiyada Mucaaridka ah isla markaana ay Gaadh ka hayaan xisbiga Kulmiye Oo ah xisbul xaakimka, meesha uugu liidata Saxaafada Somaliland waa Wargeysada oo tusaale haddaan usoo qaato; ‘hadaad u tagto adigoo Lagu dulmiyey uuna baahan tahay Iney kuu gurmadaan, waxay dhabtu Tahay wargeysada qaar kood iney iska daa wax ay kula qabtaane, Adiga ku masabidaan haddii kale ay Hoosta iska dhigaan’. laba amma Saddex wargeys marka laga reebo Intood kale, waxa dhanka Xukuumadda laga siiyaa lacag Ahaan Kolba inta waraaqadood/joornaal ee ay Daabacaan, oo haddii la iibsan waayo iyo haddii kaleba khasaare Kama soo gaadho, waxa maanta Saxaafada uugu roon websites-ka Oo runtii aad ku muujin karto Ra’yiga aad qabto.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkaygan, Saxaafada waxa loo sac sacay, Boogta yey sarin.

Qalinkii: Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)