Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xussen Axmed Caydiid oo ah afhayeenka siyaasiyiinta ku bahoobey isbaheysiga kulmiye ayaa ku dhawaaqay inay wada hadal toos ah la furayaan xisbiga Waddani.
Xuseen Axmed, wuxuu sheegay inay hore kulan ula yeesheen xisbiga UCID ee isna mucaaradka ah “laba todobaad ka hor ayey aheyd markii aanu warbaahinta ka sheegnay in isbaheysiga Kulmiye uu wada hadal la furay xisbiga UCID gudoomiyaha xisbigasina uu sheegay in uu soo dhaweynaayo garabka isbaheysiga.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu umada Somaliland ku war galineynaa in aanu wada hadaladaas uga gudbi doono xaga xisbiga Waddani oo aanu labada xisbiba wada hadalo la bilaabi doono waxaanan aan halkan ka sheegaya in aanu balan ka qabsanay gudoomiyaha xisbiga waddani iyo ragiisa isla markaana uu bilaabmi doono kulankii koowaad markaas garabka isbaheysigu maalmo soo socda oo aan fogeyn ayuu wada hadal toos ah la gali doona xisbiga Waddani labada xisbina kolba kii aanu is af garano ayaanu cududayada ku biiran doona walina wakhtigii doorashadu ma dhawa ” ayuu yidhi afhayenka isbaheysiga Kulmiye Xussen Axmed Ceydiid.