Isbahaysiga Oo Magacaabay Shan Xubnood Oo Uga Qayb Galaya Wada Hadalka U Bilaabmaya Waddani

0
522

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE, ayaa iska dhex xulay shan xubnood oo ah guddi wada hadal rasmi ah la bilaabi doonta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

1

Magacaabista guddigan oo daba socotay wada hadalada furmay oo ay Waddani iyo isbahaysigu ku heshiiyeen in dhinac waliba magacaabo guddi ka kooban shan xubnood oo si rasmi ah u bilowda wada hadalka.

Shanta xubnood ee ay isbahaysigu ay dhinacooda uga magacaabeen wada hadalada Waddani ayaa kala ah

1. Xuseen Axmed Caydiid

2. Faarax Cilmi Geedoole

3. Cali Cabdi Saa’iq

4. Cabdirisaaq Khaliif Axmed

5. Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

Shantan xubnood ayaa ka mid ah ragga ugu culus siyaasiyiinta isbahaysiga oo intooda badani ah wasiiradii iska casilay xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Geesta kale, xisbiga Waddani ayaa isna la filayaa inuu maanta magacaabo shanta xubnood ee geestooda uga qayb galaya wada hadalka siyaasadeed ee bilowga ah.