Iran Oo Marakiib Dagaal U Dirtay Gacanka-Cadmeed Iyo Khatarta Ay Ku Keeni Karto Dekedda Berbera

0
530

Picture1Hargeysa (Geeska)- Arbacadii shalay ee 8da Bishan Abriil 2015ka ayaa ay dawladda Iiraan maraakiib dagaal oo qalabaysan u soo dirtay gacanka cadmeed iyo kadinka Istaraatijiga ah ee Baab Almandab.

Wakaaladda wararka dalka Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibta wawaeyn ee dagaalka ee dalka Iiraan oo lagu magacaabo Al-Berz iyo markab dagaal oo kale oo lagu magacaabo Bu Shahar ay shalay u jihaysteen dhinaca gacanka cadmeed iyo kadinka Baab Al-Mandab iyaga oo u socda hawlgal ay wakaaladdu ku sheegtay in uu yahay sugidda amniga maraakiibta iyo gaadiidka badda ee dalka Iiraan ee maraya biyaha caalamiga ah (Badda ka baxsan xuduudaha dalalka) iyo ilaalinta danaha dalka Iiraan ee baddaas.

Taliyaha ciidamada badda dalka Iiraan Admiral Xabiibullaah Sayaari, ayaa xaqiijiyey in shaqada ay u socdaan Maraakiibta dagaalku ay socon doonta muddo saddex bilood ah, “Labada Markab waxa ay u shiraacdeen hawlgal socon doona muddo saddex bilood ah” ayaa uu taliyaha guud ku yidhi wakaaladda wararka Iiraan ee Fars oo uu warkan Geeska Afrika ka soo xiganayo.

Laakiin Admiral Xabiibullaah waxa uu dalka Iiraan ka fogeeyey in ujeedada ay maraakiibtani u socotaa ay tahay mid la xidhiidha colaadaha hadda ka taagan gobolka bariga dhexe, gaar ahaan weerarka uu Sucuudigu hoggaaminayo ee ku socda ururka Shiicada dalka Yemen, oo laga cabsi qabo in ay saamayn ku yeelato kadin-badeedka muhiimka ah ee Baab Almandab.  Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Colaadaha gobolka ka jiraa, wax saamayn ah kuma yeeshaan hawlaha shaqo ee ay u socdaan cutubyadan ka tirsan ciidamada badda ee dalka Iiraan”  Taliyaha oo arbacadii shalay hadal sagootin iyo soo dhoweyn isugu jira u jeediyey Guutada 33aad ee ciidamada badda dalka Iiraan oo fadhigoodu yahay magaalada Bander Cabbaas ee Koonfurta dalkaas, ahna guutada ay ka tirsan yihiin cutubyadan hadda dhaqaaqay ayaa waxa uu sheegay in ciidankani uu u socdo ilaalinta danaha Iiraan ee biyaha xorta ah, isla markaana uu tegi doono meel kasta oo ay baahidu keento si loo ilaaliyo danahaas.

Gacanka Cadmeed waa biyaha u dhexeeya xeebaha dalalka Yemen iyo Somailand, ahna gacan isku xidha badda Carabta (Arabian Sea) iyo badda cas, isaga oo sii maraya Kadinka muhiimka ah ee Baab Almendab.

Gacanka Cadmeed ballaciisu waa 32 Kilomitir oo keliya, waxa aanu dekedda Berbera ee Somaliland u jiraa masaafad dhan 393 kiiloomitir oo keliya, iyada oo sida taariikhda ku cad hore gacankan loo odhan jiray Gacanka Berbera, laakiin xilligii gumaystihii Ingiriiska loo beddelay magacan Gacanka Cadmeed oo si ku talo-gal ah loo caan bixiyey, iyada oo loogu magac darayey magaalada Cadan oo xilligaas dekeddeedu aad u camirnayd.

Maadaama oo dalalka Gacanka Carabta ee uu Sucuudigu hoggaaminayaa dagaal adag ka wadaan dalka Yemen iyaga oo doonaya in ay xididdada u siibaan ururka Xuutiyiinta ee Shiicada dalka Yemen, ayaa waxaa jira in dalka Iiraan oo ururkaas taageera isuna arka in uu masuul ka yahay Shiicada dunida waxa uu beryahanba waday dadaallo diblumaasiyadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo milateri oo uu doonayo in uu ku badbaadiyo maamulka Xuutiyiinta, iskagana caabbiyo awoodda dawladaha sunniga ah.

Si kastaba ha ahaato ee dhaq-dhaqaaq colaadeed oo ka soo kordha gacanka Cadmeed waxa uu khatar ku yahay socodaalka dhinaca badda ee Somaliland, waxaanu keeni karaa in ganacsiga dunida daafaheeda ka imanaya ee Berbera ku soo waajahani uu khalkhal iyo culays badan dareemo, taas oo aan dan u ahayn dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dalka.