Xisbiyada Mucaaradka Oo Si Adag Uga Hadlay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawlada Somaliya

0
510

Hargeysa(Geeska):-Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid, ayaa si adag uga hadlay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo dhawaan sheegay in isbahaysiga dawladaha Carabta ee la dagaalamaya kooxaha xuutiyiinta ee ka jira dalka Yamen in ay saldhigyo ciidan u isticmaali karaan madaarada iyo dekeda magaalada Barbera, waxaana ay sheegeen in hadalkaasi uu yahay mid la iska yidhi oo aanay marnaba suurta gal ahayn fulintiisa, iyaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in dalka Somaliland yahay dawlad madax-banaan isla mar ahaantaana aanay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliya ka talinin dalka Somaliland.

Xisbiyada mucaaradka ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay si gooni gooni ah warbaahinta ugu waramayeen, iyada oo ugu horeyna arrintan uu ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Axmed Muumin Seed, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan arrintaasi ay ka soo horjeedaan, sida oo kalena ay dawlada Somaliland tahay dawlad madax-banaan oo leh taladeeda iyo go’aamadeedaba.

"Runtii horta arrinkaas annagu waxaan u aragnaa arrin baal marsan heshiiskii Somaliland ee Wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hore kana hor imanaya, mida kale Somaliland waa qaran jira oo madax-banaan aduunkana dhawr iyo labaatankii sanno ee dalku jiray ictiraaf ayeynu ka raadinaynay, markaa Somaliland iyada ayaa u madax-banaan madaaradeeda, taladeeda iyo go'aamadeedaba iyada ayaa u madax-banaan, se annagu waxaanu leenahay ka mucaarad ahaan madaxweynaha Somaliya ma xukumo madaarka Somaliland ee Barbera, Hargeysa, Burco iyo Boorama-ba, laakiin arrinkaas waxaa baylahiyey oo aanu eeda jirtana dusha ka saaraynaa waa xukuumada maanta jirta ee madaxweyne Siilaanyo uu madaxweynaha ka yahay, Annagu ka mucaarad ahaan waxaan leenahay Somaliland waa qaran jira oo madax-banaan, haddii aanu jaamacada carabta la macaamilayno iyo haddii aanan la macaamilaynba waxaan nahay qaran madax-banaan oo ka tashanaya aayahooda.".Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Yuusuf Maxamed(Cali Gurey), ayaa isna sida oo kale waxaa tilmaamay in hadalka ka soo yeedhay mas’uuliyiintaasi uu yahay mid aan macquul ahayn oo aanay marnaba suurta gal ahayn in hadalkoodaasi u hirgalo.

"Somaliland waxba yaan la ictiraafsanaanin, laakiin xaqiiqatan waa dawlad madax-banaan oo iyadu iskeed isku maamusha. Wasiirka arrimaha dibada Somaliya iyo madaxweynaha Somaliya midna ma xukumo Barbera,Hargeysa iyo meel Somaliland ka mid ah midnaba. ogalaanshaha uu bixiyeyna waa hadal uu iska yidhi, kol haddii fasaxa uu bixiyey aanay cidna ugu suura galayn in ay ku isticmaasho dekadaha iyo dhulka Somaliland bad, cir iyo dhulba. laakiin waxaa nasiib darro ah in aanay xukuumadu illaa hada ka hadlin waliba annagu waanu isku tuhunaa labada madaxtooyo oo in meel laga wada maamulo ama kooxi wada maamusho, ayaan mararka qaar koodba aanu u aragnaa oo ay wax ka wada-hadleen xukuumada Somaliland oo dadka laga wada qarinayo ayaa laga yaaba, mawqifka uu madaxweynahu ka qaatay sidiisaba ma khilaaf shakhsiya ayaa uu ahaa oo isaga uun ka yimi, ma wax xukuumadu ay ka shirtay oo ay go'aan ka qaadataybaa, ma wax baarlamaanka inta la mariyey uu xal ka soo saaraybaa, dunida carabta Somaliland ka mid maaha, wadamada carabta laftooda ayaa ku kala duwan arrintan lafteeda.".Ayuu yidhi Md.Cali Gurey.