Ingiriiska Oo U Sacabo Tumay Muwaadinkoda Socodka Lugta Ah Ku Taageeray Edna Hospital

0
610

 

400Hargeysa (Geeska)-Xukuumada Ingiriiska ayaa ka hadashay socdaal 4000km oo lug ah uu nin dalkooda u dhashay u soo maray taageerida Cusbitaalka carruurta iyo dhallaanka  ee Edna iyo guulaha Somaliland.

 

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya, Matt Baugh, ayaa fariin uu ku qoray boggiisa Twiterka, ku sheegay inuu hambalyeynayo socodka afarta kun km ee Christopher Stanford ku tegay Cusbitaalka Edna ee Hargeysa.

Socdaalka ninkan Ingiriiska oo dabaakh ka ah hudheel ku yaal magaalada Leeds, ee dalka Ingiriiska ayaa markuu soo gaadhay Cusbitaalka Edna wargeyska Geeska Afrika, wareysi gaaru la yeeshay lagu daabacay caddadkii wargeyskaa iyo mataankiisa The Horn, ee Ingiriisida ah.