Ingiriiska Oo U Sacabo Tumay Kulankii Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Somaliya Ee Djibouti

0
535

67

Hargeysa(Geeska)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaaliland iyo Somaliya Danjire Neil Wigan, ayaa soo dhaweeyay wada hadaladii dhex maray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, oo Djibouti ku kala saxeexday heshiis rasmi ah.

Danjire Wigan, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku yidhi, “Waxaan soo dhawaynayaa wada hadalada Madaxweyne Xasan Sheekha Somaliya iyo Madaxweyne Siilaanyaha Somaliland. Waa talaabo muhiim ah.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axadii wadanka Djibouti ku kala saxeexday heshiis lix qodob ka kooban oo uu martigeliyay Madaxweynaha Djibouti.