Ingiriiska Oo Sheegay Inuu Taageero Siyaasadeed Iyo Mid Farsamo Siiyo Guddiga Doorashooyinka

0
515

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro wada hadal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Somaliya ee Puntland, waxaanay sheegtay inay wada hadalkaas taageersantahay oo ay gacan ka gaysato.

Wasiirul dawlaha Ingiriiska ee dalalka barwaaqo sooranka Baroness Anelay oo maalmo ka hor la hadlaysay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiiyay taageerada uu Ingiriisku siinayo degenaanshaha siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay wasiiradu ku jawaabtay  “Ingiriiska waxaa weli ka go’an xoojinta xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Waxa aanu taageero ka geysannaa wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo deris la’ ah, iyo ka u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya, ee la xidhiidha danaha ay wadaagaan.

Somaliland, Ingiriisku waxa uu xubin firfircoon ka yahay koox deeq-bixiyeyaal caalamiya ah oo taageero farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed siiya Guddida doorashooyinka qaranka, iyo guud ahaan doorashooyinka Somaliland. Waxaa caawimadaas ka mid ah, 2.18 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah, oo uu Ingiriisku ku taageeray qorshaha, diyaarinta iyo gaadhsiinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ee loo adeegsaday farsamada sawirka indhaha.”

Ma jirto meel ay dawladda Somaliland hore ugu sheegtay inuu jiro wada hadal ay kula jirto maamul goboleedka Puntland.