Wadanka Ingiriiska waxa aan tagay 2001-dii, nasiib wanaagna halkaasna daganaasho rasmiya ayaan ka helay, waxaanan ku biiray bulshada Soomaaliyeed ee dhulkaas deggan, dadkeenana waxaad mooda in aanay wababa u kordhin ama halkaas ha joogaan ama halkanba’ee, Iygaan iskala fadhiistay. Runbaanan kuu sheegayaaye dadku halkaas (Ingiiriiska) markay joogaan way iska fadhiyaan waana la qaylaa, dadku inta badan ma shaqeeyo, wadankan lagu dhex nool yahay fursadaha ka banaan iyo sida looga faa’idaysan karo cidi uma hawl gasho, dadkeenaas ayuun baan qayb ka noqday.
Waxaan arkay in ay noloshii nolal adag tahay, waayo guribaan keligay degay, markii hore ee aan joogay dalkana nin qoys balaadhan ka mid ah baan ahaa, waxaanay noqotay inaan nolol gooniya kaligay dhiso, dawlada halkaasu (Ingiriiska) waa ay icaawinaysay, lakiin waxan arkay inay nolashu mid adag tahay, waxaan u baahday in lay turjumo oo meelkasta oo aan tegaayo cidi ii raacdo, waxaan u baahday in la ii kaxeeyo meesha aan doonayo, waxaanay noqotay mar kasta oo aan baxaayo in koox dhami ay ikaxayso, inyar markaan joogayba waxaan war ku helay in indhoolayaasha wadankani (Ingiriiska) waxna bartaan mujtamacana si buuxda ay qayb uga yahiin, markaan fahankaas qaatay waxa igalay dareen ah, “Illeen indho la’aanta iyagaba haysta ayaa adigan ku haysatee, wax ka badan kuma hayaane, hadii fahanka qaldan ee bulshada Somaliyeed aad ka dhaxashay ee ah in hadii la indho beelo aan waxb la qabsan karayn aad dhinac iska dhigto, dadkaas kalana aad la jaanqaado bahashii waa laga adkaan karaa” Fahan ah baa igalay, waxa aanan ku talo galay inaan afka barto oo aan nidaamka waxbarashada ee wadanka dhex galo,Tiibaanan ku dhaqaaqay.
Bilowgii Waxbarashada:
Mac-had ay dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ayaan galay, halkaas ayaanan waxbarashadii ka bilaabay khaasatan afka iyo Kombiyuutarka oo aanan waligay dul fadhiisan, oo aan moodayay inuu u gaar yahay dadka indho qabayaasha ah, waanan u qaadan waayay runtii dugsi balaadhan oo intaas oo fasal ka koooban, oo leh Labreeriyadii, meelihii la seexanayay iyo meelahii lagu jimicsanayayba, ayaa maalin iyo laba casho lay tusay waxaana laygu yidhi adigaa meesha aad u baahato tagaaya, waanan u qaadan waayay oo aad iyo aad baan ula yaabay, laakiin waxaan arkay inay tahay wax lala qabsan karo, waxna waan ka bartay, waxaanan ku jiray mudo sadex sano ah, waxaana u diyaar garoobay inaan nidaamkii waxbarasho ee dadka indhaha qabay aan u soo gudbo, sanad kale oo wax barasho ah ayaan sameeyey, oo inta badan loogu talo galay dadka iyaga oo waaweyn dib waxbarashada u bilaabaya, kadib sidiibaan jaamacadii ku galay 2008-dii, waxaanan qalin jibiyay 2011, si naajax ah ayaanan ku dhameeyay, ardaydii aan wada dhiganaynay ee indhaha qabay inbadan oo kamid ah oo isugu jira dadkii dalka Ingiriiska u dhashay iyo dad kale oo ajaanib ah oo u soo waxbarasho doontay ayaan ka horeeyay, dhibco wanaagsanna waan helay, waxaanan xaqiijiyay in indha la’aanta laga adkaan karo.
Sababta uu u tegey jaamacadda dadka indha qaba:
Wadanka Ingiriiska kama jiraan jaamacado u khaasa dadka indhaha la’, iskuulo ayaa jira iyo kuwa xirfadaha shaqada ah oo markiiba lagu shaqo tagaayo, markaas inaad jaamacadaha dadka oo dhan ka dhaxeeya aad tagto waa lama huraan, jaamacad kasta waxa laga hirgeliyey nidaam ay u sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah leh (Naafada), shaqadooduna waxay tahay Matalan, dadka indhaha la’ aniga oo kale iga soo qaad, “In la ii sameeyo qof khaas iila fadhiista, markaan casharrada qaadanayo oo waxii samuuradda lagu qoro ama hadii uu waraaqo qaybiyo (Macallinku) ii akhriya, oo dabadeedna hadhaw marka laga rawaxo jaamacadii, Email ahaan inta ay qoraan iigu soo dira ayaa la ii sameeyay.
Waxii dhagaysiyana waad dhagaysanaysaa waxii qoraal iyo waraaqo ahna qofkaas laguu sameeyay ayaa kaa caawinaya oo kuugu beddelaya Kumbuterka oo aad ku akhrisan kartid, markaas Kumbuterka ayaa ah ka labaad ee caawimada ugu wayn aan ka halay.
Isticmaalka Talefanka gacanta iyo kombiyuutarka:
Waa su’aal meel walba laygu waydiiyo, xataa xagaas markaan joogo, waxa jira boragaraamyo (Programs) yar yar oo lacag yar lagu iibsado, oo Mobaylka iyo kumbuterkaba la geliyo, qofka indhaha la’na lagu tababaraayo, sida qofka indhaha qababa loogu tababaro Kombiyuutarka isticmaalkiisa, boragaraamkaasu wax kasta oo shaashadda Kombiyuutarka ku soo baxaba waxa uu u kharinayaa si dhaqso ah, marka uu qofku taas barto sida qofka indhaha qaba ayuu Kombiyuutarka u isticmaalyaa Emailka u dirayaa, waliba waabu kaga fiican yahay, waayo marar badan ayaabay saaxibbaday igu yidhaahdaan adiga oo xuruufta qaldaya kumaanu arag, wax caqabada oo indho la’aantu ay keenayso oo qoraalkisa ka muuqanayaana ma jirto ee waxa weeye qofka iyo kartidiisa uun.
Aragtida Haaruun ee gacan qabashada naafada Somaliland:
Caawimo dawladda Ingiriiska waan ka helay oo waa run, laakiin taageero dhaqaale ama mid farsamo intaan laguu gaysan, waxa ugu wayn ee la helo ee aynu u baahannahay, ee la samayn karaa waxay tahay in la helo mujtamac waaciya (Baraarugsan) oo fahansan inuu waxani ( Indha la’aantu ) yahay wax laga gudubi karo oo qofku ka noolaan karo inuu yahay, oo aan qofka la niyad jabin oo aan laga hor iman, taas in la helo oo mujtamaca wacyigiisa kor loo qaado ayaa aad iyo aad u muhiim ah.
Imika wadamada carabta waan soo maray, dhaqaale xoogan ayay leeyahiin, lakiin waxay mushkiladi ka taagan tahay, dawladii iyo shacabkii baan fahansanayan sida dadkooda loo caawinayo ee wax loogu qabanaayo, hadii xataa aad dhaqaale hesho kuma caawinayso hadaan wacyigii dadka iyo wacyigii dawlada iyo bulshada guud aanay is beddelin, si loo arko in dadkan la caawin karo iyaguna ay is caawin karaan, cid kaligeed isbixin kartaa ma jirto Illaahay mooyaane. markaas horta waxa ugu daran ee aan doonayo inaan u sheego dawladdeena iyo dadkeenaba waxa weeye in dadkan la caawin karo oo ay mushkiladdan ka baxi karaan in la fahmo ayay u baahan tahay.
Marka labaad, waxaan qorshaynayaa sidii aan wadanka u soo degi lahaa, aniga oo wadanka ka maqan wixii aan sameeyaa wax awooda malaha, wadanka imika dibadiisa waxaan ka samaynay hay’ad aanu ugu talo galnay inay dadkii indho la’aantu haysay ay caawiso, lakiin hay’adii kama shaqaynkarayso dalkii haddaanan anagii joogin, shaqada ugu wayn ee aan doonayo inay nolashayda garab socotaa waxa weeyaan sidii dadka indhaha la’a wax loogu qaban lahaa, wax qabadkooduna waxa uu ka bilaabmayaa sidaan sheegay in fahan iyo fikir lagu soo kordhiyo, markaas kadib ayuu dhaqaalahii iyo sidii wax loo qaban lahaaba ay imanayaan.
La soco….