Inantiisa Oo Wadne Xanuun Qabta Ayaa Uu Cisbitaal Kaga Baxsaday … Waa Maxay Sababtu?

0
635

1Qaahira (Geeska)- Ma jiro go’aan adduun oo ka adag in aabuhu go’aansado in inantiisa oo wadne xanuun qabta uu cisbitaal dhigo kadibna ka baxsado, isaga oo u kala tegeya iyada iyo masiir aanu ogeyn sida uu noqon doono.

Bog Facebook laga furay oo lagu magacaabo “Adfaal Mafquudah” ayaa dhowaan dalka Masar ka bilaabay o’ole ballaadhan oo uu shabakadda Facebook ka dhex baafinayo aabaha dhalay inan yar oo lagu magacaabo Raxma oo uu aabaheed kaga dhex tegey cisbitaalka guud ee degmada Qarbiya ee dalka Masar, kadib markii hooyadeed ay u dhimatay cudurka Kansarka. Boggan Facebook ah waxaa lagu caddeeyey in mid ka mid ah dadkii goob joogga u ahaa markii Raxma aabaheed cisbitaalka kaga tegeyey uu arkay isaga oo ilmaynaya oo inta uu ilmahan yar dhigay uu cisbitaalka kadinkiisa ka baxay.

Aabahan ayaa la sheegayaa in uu ahaa aabo aad u faqiir ah, oo uu awoodi waayey in uu daboolo kharashka ay u baahan tahay xaaladda caafimaad ee inantiisan yari, sidoo kale waxaa la sheegay in aabahan lagu lahaa deyn aad u badan oo uu ka cabsi qabay in sida ugu dhaqsaha badan loo xidhi doono, sidaa awgeed ay inantiisa yar ee wadnaha u bugtaa dayacmi doonto.

Aabahani markii uu inantan yar cisbitaalka dhigay waxa uu marada u geliyey warqad yar oo uu ku qoray magaceeda, kuna caddaynaya in ay tahay ilmo si sharci ah oo cisbitaalka dawladda ka diiwaangashan u dhalatay, isla markaana hooyadeed ay u dhimatay sababta cudurka Kansarka.