Inan Yar Oo Fasirtay Ereyo Uu Nin Xikmad- Aqoon Ahaa Aabaheed Ku Hal-Xidhaaleeyey

0
1496

Dhaqan ahaan Soomaalida iyo xataa guud ahaan inta badan ee bulshooyinkii hore ee dunida ku dhaqnaan jiray marka uu ninku guursanayo waxa uu gabadha ku qiyaasi jiray heerka garaadkeeda iyo hadba inta ay le'egtay garashadeedu, gabadha qudheeduna ninka kuma ay guursan jirin laab la kac, oo marka uu nin u soo bandhigo damaca ka haya waxa ay qaadan jirtay fursad ay ku urursan jirtay xog badan si ay u hesho dhaqannada iyo garaadka ninka, waxa dhici jirtay in labada qof ee doonaya inay is guursadaan ay iska qaadaan imtixaan iyo tijaabo uu mid waliba kan kale ku baadhayo. Qormadeennan maanta waxa aynu ku soo qaadanaynaa qisada guurka nink carbeed oo macne iyo xikmad badani ku jiraan, kana turjumaysa wanaagga qaabkaa hore ee guurku ahaan jiray.

Waxa jiri jiray nin carbeed oo magaciisa ahaa Shannu, ninkani waxa uu ahaa dadkii xilligiisii looga dambayn jiray xikmadda iyo garaad badnida. Shannu waxa uu nidar ku maray in aanu guursan illaa uu helo gabadh garaad ahaan u qalanta, oo isaga la garasho ah ama kaba sarraysa. Markii uu muddo gabadhii ka raadinayey deegaankiisa ee uu nafta u sheegay in aanu ka helayn gabadh leh tilmaamaha uu doonayo, waxa uu ku tashaday in inta uu faraskiisa kaxaysto uu dhex wareego deegaannada ka ag dhow oo dhan si uu u raadiyo gabadh leh tilmaamahaas uu doonayo.

Markii uu muddo wareegayey ayaa waxa ku soo baxay nin maqli jiray Shannu iyo xikmadihiisa balse aan aqoon kale u lahayn, markii ay is toydeen waxoogaana is waraysteen waxa ay isla garteen in maadaama oo ay isku tuule ku jihaysnaayeen ay is raacaan. Shannu ayaa markii waxyar ay socdeen ninkii ku yidhi, "Ma adiga ayaa iqaadi, mise aniga ayaa ku qaada?" Ninkii oo aad uga yaabay su'aasha macno darrada uu u arkayo ee kaga timid saaxiibkiisa safarkan ayaa ugu jawaabay, "Waar Jaahilyahaw, sowta aynu labadeennuba saaranahay fardaheennii, maxaynu uga baahannay is qaadis?" Shannu wuu aamusay markii ay cabbaar socdeen waxa ay ku soo baxeen beer markaas uun bislaatay oo ay guranayaan dadkii lahaa, kadib Shannu inta uu ku jeestay ninkii ayuu weydiiyey, "Talow midhahan miyaa la cunaya mise waa weli" Ninkii Shannu la socday oo ay isu qaban la' dahay xikmaddii iyo garaadkii ninkan lagaga waramayey iyo waxa kaga soo baxay, ayaa inta uu mar labaad si xaqiraad leh u eegay uu ku yidhi, "Miyaad indho la' dahay, midhahaa aad aragto ayaa aadd haddana I weydiinaysaa in la cunay iyo in kale" Shannu wuu iska aamusay cabbaar ayaanay wada socdeen, markii tuulihii ay u socdeen ay galeen, ayaa laga hor keenay mayd la soo aasayo, Shannu inta uu eegay ninkii ay wada socdeen ayuu ku yidhi, "Talow Maydkan la sidaa miyuu dhintay mise wuu nool yahay" Ninkii inta uu cadho is madax maray, lana yaabay sheeko xumada ninkii xikmadda lagu sheegayey ayuu si cadho badani ka muuqato ugu yidhi, "Weligay lama rafiiqin qof kaa macno liita, Mayd aad arkayso ayaa i kala weydiinaysaa noloshii iyo dhimashadiisa. Waxa aan kuu sheegayaa caawa gurigayga ayaad marti ahaan ugu hoyanaysaa berri marka uu waagu beryana ina kala kaxee. Shannu ayaa xikmad lihina halkaas ha igaga hadho!"

Ninkan ay Shannu soo rafiiqeen waxa uu dhalay inan la odhan jiray Dabaqah, markii uu aabaheed yimi, waxa ay ka waraysatay cidda ay tahay martida la socotaa, waxaanu u sheegay in uu yahay Shannu, waxa uu inantiisii u sheegay in aanu ninkani maskax ahaan caadi ahayn, su'aalihii iyo sidii ay u dhaceenna wuu u sheegay.

Inantii inta ay cabbaar aamustay ayaa ay aabaheed ku tidhi, "Aabo ninkani jaahil ma'aha, mana waalna, ereyadanna waxa uu uga dan lahaa ujeeddo uu adiga maskaxdaada ku baadhayo” odaygii oo yaabban ayaa inantiisii weydiiyey bal in ay u sheegto macnaha uu Shannu uga jeeday ereyadan, markaasay inantii ugu jawaabtay, “Markii uu ku lahaa, Miyaad I qaadi mise aniga ayaa ku qaada? Waxa uu u dan lahaa, si uu safarku inoogu fududaado, ma adiga ayaa sheekayn mise aniga ayaa sheekeeya? Markii uu ku lahaa midhahan miyaa la cunay mise waa weli? Waxa uu uga jeeday Talow dadkii lahaa miyaa ay iibiyeen sida beeraleyda qaar ka dhacda mise weli iyagii ayaa leh? Markii uu ku lahaa, Maydkani miyuu dhintay mise wuu nool yahay? Waxa uu uga jeeday miyuu ka tegey ubad iyo taran xusta oo u ducaysa mise waa uu goblan dhintay?”

Ninkii aad ayuu uga helay qaabkii inantiisu u fasirtay kadib inta uu ku noqday Shannu ayaa uu ku yidhi, "Hadalkaagii waan fahamsanaa, keliya waxa aan uga jawaabi waayey si aad u sii badiso su'aalaha oo xikmad badan aan kaaga helo, imika ayaanan ayaana kuu fasirayaa. Markii uu ninkii fasiray Shannu waxa uu ku dhaariyey cidda run ahaan jawaabahan leh, ninkiina aakhirkii waa uu u sheegay in inantiisu ka jawaabtay.

Shannu halkii ayaa uu ninkii ku weydiistay inantaas in uu u guuriyo, xoolo aad u badanna waa uu ka bixiyey. Markii uu deegaankiisii kula noqday gabadhii dadkiina arkeen inuu Shannu helay gabadh u qalanta xikmad iyo garasho ayaa ay yidhaahdeen hadal markii dambe noqday maahmaah carbeed oo loogu hal-qabsado laba shay oo kasta ama laba qof oo kasta oo isu qalma marka la isla helo, waxa aanu hal-u-dheggaas macnihiisu yahay "Shannu wuu helay Dabaqah"