Hargeysa (Geeska)- “Xukun Qarqoosh” waa erey caan ka dhex ah Soomalida, iyo umadda Carbeed oo ay u muuqato in marka hore uu xaggooda kaga yimi Soomaalida. Waa maahmaah carbeed oo loo isticmaalo majara habaabinta xukunka xadgudubka ah, iyo kelitalisnimada uu ku kaco garsooraha ama hoggaamiyuhu. Marka uu qofku tirsanayo xukun xadgudub ah ama in la dulmiyey ayaa uu ku calaacalaa, ama cidda xaalkiisa ka xumi ku calaacashaa in xukun qarqoosh ku dhacay.
Sida oo kale Carabtu hoggaamiyaha ama garsooraha ay u arkaan in uu xadgudub iyo kelitalisnimo badan yahay ayaa ay ku naanaysaan, ‘Qaraaqoos’.
Hadda waa kuma Qaraaqoosh? Ma’ ahaa qof jira mise waa maloawaal? Haddii uu jiro, ma’ run baa in xukunkiisu uu xidhiidh la leeyahay dulmi iyo xadgudub, sida qisaska laga weriyo ka muuqda, mise waa xikmad iyo xukunno uu uu u arkayey ka fursan waa oo dad uu ku kala badbaadiyey? Su’aalahan waxa aynu kaga jawaabi doonnaa qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya.
Qaraaqoosh
Qaraaqoosh ama Qarqoosh sida ay Soomaalidu u taqaanno, sida ay taariikhda carbeed xusayso waa shakhsi jiritaankiisu run yahay oo ka tirsanaa wasiirrada dawladdii Amiirkii weynaa ee Salaaxuddiin Al-Ayuubi, gaar auaaj 8 qaabilsanaa dalka Masar. Bahaa’uddiin Qaraaqoosh waxa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dhidibbada u taagay tiirarka xukunkii Salaaxuddiin.
Qaraqoosh oo ay taariikhdu u badinayso in uu asalkiisu Turki ahaa, in kasta oo cido kalana lagu sheego. Waxa uu bilowgii ahaan jiray addoon la leeyaha, laakiin aad u dadaal badan, oo isla markii oo xorriyaddiisa helay ku biiray ciidamada oo uu gaadhay illaa heer uu ka qayb noqdo taliyeyaasha ciidamada Shaam. Kaddiib waxa uu u guuray Shaam oo uu joogay tan iyo markii ay taladeeda la wareegeen ciidamadii Ayuubiyiinta, xukunkana uu qabtay imaamkii weynaa ee Salaaxuddiin Al-Ayuubi.
Salaaxuddiin Al-Ayuubi ayaa Qaraaqoosh iyo laba kale oo ahaa Ciisa Al-Haakaari oo ku xeeldheeraa cilmiga Fiqiga iyo Qaadi Alfaadil ka dhigtay gacanyareyaal maamulkiisa caawiya, gaar ahaan waxa ay saddexdan masuul ka shaqeeyeen sidii loo adkayn lahaa dawladda Salaaxuddiin, xasilooni iyo amarka iyo kala dambayntana loogu soo dabbaali lahaa Masar oo markaas ay ka jirtay fawdo iyo xisaado aad u badan, kaddiib markii uu geeriyooday Khaliifkii ka talinayey ee Alcaadid. Qaar ka mid ah raggii Caadid oo doonayey in aanay dhicin dawladdii Faadumiyiintu ayaa geridii kaddib, dagaal hubaysan kala horyimi Salaaxuddiin Al-Ayuubi.
Qarqoosh waxa uu kaalin aad u muuqata oo taariikhda gashay ka qaadatay soo afmeeridda talada qoyskii khaliifka Alcaadid, ee xukun doonka ahaa. xabsi, qoysaskii oo uu raggii iyo dumarkii kala fogeeyey. Waxa uu sida oo kale fogeeyey dawaddii Caadid iyo raggii iyo maamulladii yaryaraa ee dawladdaas ka tiirsanaa ama daacadda u ahaa. Qaraqoosh oo ay weheliyaan masuuliyiintii kale, wakiilna ka ah Salaaxuddiin Al-Ayuubi waxa uu qabsaday qasrigii ay ka talinaysay dawladda Faadimiyiinta ee Masar waxa aana la sheegaa in ay halkaas kula wareegeen hantii aad iyo aad u badnayd.
Gorgorkii madoobaa
Sheekooyinka tirada badan ee laga soo weriyo Qaraaqoosh iyo taariikhdiisa, qaarkodo waxa ay sheegayaan in ereyga magaca ‘Qaraaqoosh’ uu yahay erey asalkiisu afka Turkiga yahay oo macnihiisu afsoomaali macnihiisu ku noqonayo, ‘Gorgorkii madoobaa’. Waxa la sheegay Salaaxuddiin intii aanu Qaraaqoosh xilalka muhiimka ah u dirsan, in uu muddo ka dhigtay khaadimkiisa gaarka ah, shaqadaasina ay ahayd halka ay ka bilaabatay kalsoonida xadhaafka ah ee uu ku qabay daacadnimadiisa iyo kartidiisa shaqo. Waxa ay taariikho kalana sheegayaan in Qaraqoosh uu marka hore u shaqayn jiray nin Salaaxuddiin u adeer ahaa, mid kasta oo ay tahayba khaadimnimadaas Qaraqoosh waxaa ka dambeeyey in uu ka mid noqdo ragga ugu mudan ee xilalka ugu sarreeya ka haya maamulka halyeeygii muslimiinta ee Salaaxuddiin Al-Ayuubi.