Hargeysa Oo Addis Ababa Ka Codsatay In Diyaaradoodii Dib U Soo Noqoto, Jawaabta Itoobiya Iyo Labada Warar Ee Ay Somaliland Soo Saartay

2
587

Picture6Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa si rasmi ah dawladda Itoobiya uga codsatay inay diyaaradoodu dib u bilowdo duulimaadyadii ay ku iman  jirtay Somaliland ee ay dhawaan joojisay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay wasiirka khaarajiga Itoobiya Dr. Tedros Adhanom. Sida ay shalay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa kulankaas ku codsaday inay diyaaradda Ethiopian Airlines, dib u bilowdo duulimaayadii ay ku iman jirtay Somaliland. Sida uu Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya u sheegay wakaaladda wararka ee Walta, wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, codsigaas kaga jawaabay in wada hadalo lala yeelan doono dhinacyada ay khusayso. “Dr. Tedros, wuxuu dhinaciisa sheegay in wada hadalo lala yeelan doono dhinacyada ay khusayso si ay Ethiopian Airlines dib ugu bilowdo duulimaadyadeedii Somaliland.” Sidaas ayay wakaaladda wararka ee Itoobiya, baahisay.

Wakaaladu ma bixin wax faahfaahin ah oo la xidhiidha wakhtiga ay dawladiisu wada hadalka la yeelan doonto madaxda diyaaradda Ethiopian Airlines.

Waxyaabaha kale ee ay labada wasiir ka wada hadleen, waxa ka mid ahaa xoojinta xidhiidhka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha gobalka. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sida ay warbaahintaasi baahisay, wuxuu dawladda Itoobiya ka codsaday inay Somaliland ka taageerto amniga, Booliska iyo weliba arrimaha duulimaadyada. Waxaanay wasiirka Itoobiya, cadeeyay inay dawladiisu diyaar u tahay inay Somaliland ka caawiso dhinacyo badan, waxaanu sheegay inay Somaliland siinayaan deeqo waxbarasho oo ay ardayda Somaliland ku tagaan jaamacadaha Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxa kulankaas ku weheliyay wasiirada arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Geesta kale, warsaxaafadeed ay xalay soo saartay madaxtooyada Somaliland, ayaa iyadu waxya dhinaceeda sheegtay in dood iyo falanqayn ka dib ay labada dawladood isku raaceen

in la xoojiyo xidhiidhka  siyaasadeed ee labada wadan
in la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga
in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada ethiopian airline ku samayn jirtay somaliland Hargeysa.

Sidoo kale, wasaaradda duulista iyo hawada, ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay, waxay ku sheegtay in diyaaradu duulimaadkeedii dib uga bilaabi doono maanta madaarka Hargeysa, ka dib markii ay Somaliland iyo Itoobiya Addis Ababa ku kulmeen.

Comments are closed.