Ilaysku Waa Dawo Dhaqameed Muddo Dheer La Soo Tijaabiyey Oo U Fiican Dabiibka Xanuunnada Nafsiga Ah

0
726

Picture12London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Kanada ayaa daahfurtay in ilaysku uu yahay dawo dhaqameed taariikhi ahaa oo muddo dheer dadka dalkaasi ay kula soo tacaali jireen wanaajinta xaaladda nafsiga ah ee qofka qaba niyad-jabka, qulubka iyo isku buuqa. Gaar ahaan waxa ay dadkaas hore ilayska isticmaali jireen xilliga maalintu yar tahay ee ay qorraxdu saacadaha badan maqan tahay.

Cilmibaadhayaal arrintan u kuur galay ayaa Joornaalka Gamma oo ka faallooda arrimaha caafimaadka u sheegay in Qulubku uu ka mid yahay xanuunnada nafsiga ah kuwooda ugu caansan uguna badan dunida oo dhan, sababta ugu weynina ay tahay cuqdad naafonimada ka dhalata oo qofku qabo iyo ama nolosha oo qofku sidii uu rabay u noqon weyda. Xanuunnadaas oo badankooda hadda lagu dabiibo kiniinno iyo dawooyin kale, laakiin waxaa dhacda in dadka qaar ay dawadu sidii la rabay u anfaci weydo ama in qaarkood ay dawada waqtigeeda ilaalin kari waayaan ama iskood isaga joojiyaan kaidb marka ay u adkaysan waayaan raadka taban ee ay mararka qaarkood leedahay ama sababo kale oo la xidhiidha dawada oo qofku uu waayo ama dhaqaale ahaan awoodi waayo.

Haddaba baadhis iyo dib u eegis lagu sameeyey hab-dhaqameedkaas hore ayaa lagu xaqiiqsaday in ilaysku uu yahay dawada ugu waxtarka badan, raadkeedana loogu hor arki og yahay marka la barbar dhigo dawooyinka kale ee xanuunnadan nafsiga ah lagu dabiibo. Raymond Lam oo ka tirsan jaamacadda Columbia ee dalka Ingiriiska ayaa isaga oo ka hadlaya cilmibaadhistan sheegay in isku darka ilayska iyo dawadu ay ka sii fiican yihiin in labadooda midkood si gaar ah loo isticmaalo.

Tijaabo ay khubaradu ku sameeyeen 122 ruux oo qabay cudurro nafsi ah oo ay ka mid yihiin, Qulub, Diiqad, murugo, sakati boose, hurdo la’aan, cunto xumo, niyad xumo, baasaysi, u fiirsiga oo qofka ka luma, kuwaas oo ay qaarkood gaadhsiisnaayeen heer xitaa ay ku fikiraan in ay is dilaan. Cilmibaadhayaashu waxa ay dadkan u qaybiyeen kooxo isku xaalado ah oo koox kasta ay dawo gaar ah ku tijaabiyaan, tusaale ahaan kuwo dawooyinka caadiga ah la siinayey, kuwo, ilays keliya lagu dabiibayey iyo kuwo la isugu daray, Siddeed toddobaad oo tijaabada la waday kadibna waxaa soo baxday in kooxdii la isugu daray dawo-dhaqameedkan iyo dawada caadiga ahi ay yihiin kuwa ugu hor caafimaaday ama xaalkoodu ugu fiicnaaday, waxaa xigay kuwa ilayska keliya lagu dabiibay, waxaana ugu hooseeyey kuwa dawada keliya la siinayey.