IGAD Oo Somaliland Ka Qodday Dhaam-Biyood Wax Ka Beddelaya Nolosha Dad Gaadhaya 1 Milyan

0
129

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray dhaam weyn oo laga hirgeliyey deegaanka dhimbiriyaale ee degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex, kaas oo maalgaliyey Bangiga Horumarinta Afrika isla-markaana uu ururka IGAD Hirgaliyay.

Mashruuca waxaaa gacan weyn ka geystay fulintiisa wasaaradda Horuminta biyaha Jamuuriyada Somaliland

Mashruuca dhaamka ah ayaa qayb ka ah Barnaamijka la qabsiga isbedelka Cimilada ee Reer Miyiga.

Wuxuu aad wax uga beddeli doonaa nolosha dadka xoola dhaqatada oo ku dhaw ilaa iyo milyan xoolo dhaqato beeralaya kuna teedsan gayigan, sida IGAD sheegtay