“Hubka Oo Gacanta Shacabka Ku Jiraa Khatartiisa Ayuu Leeyahay”

0
670

Xildhibaan Jaamal Xuseen Cawad

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Jaamal Xuseen Cawad, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel-afweyn, ayaa soo dhaweeyey hubkii ay wareejisay Beel ka mid ah labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in gabi ahaanba hubka laga wareejiyo Shacabka,si aanay khasaare iskugu geysan, dhibaatana uga dhalan.

Xildhibaan Jaamal Xuseen Cawad oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo baaq u diray labada Beelood ayaa yidhi “Labadan Beelood ee wada dega Deegaanka Ceel-afweyn, waa laba Beelood oo walaalo ah, marar badana waa la heshiisiyey, wax loo yaraystana ma jirto, haddii aanu nahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ceel-afweyna, waxaanu leenahay yaanu shaydaan idinka faa’iidaysan, ee heshiiska ilaaliya, oo dhiig dambe oo aad kala daadisaan iyo cadaawada dambe oo idin dhexmarta yaanay jirin, oo ALLE ka cabsada”.

Mar uu ka hadlaayey Hubka Shacabku haystaan iyo Tiknikada ay wareejisay beel ka mid ah labadii beelood ee dagaalku dhexmaray ayaa yidhi “Hubkan iyo Tiknikiadan ay wareejisay beel ka mid ah labada beelood ee walaal ah, waan soo dhaweeynayaa waana ku bogaadinayaa, waana talaabo wanaagsan, waxaana labada Beelood ugu baaqayaa in gabi ahaanba waxay huba ee ay hayaan  inay Dawladda ku wareejiyaan, maxaa yeelay hubka oo gacanta shacabka ku jiraa khatartiisa ayuu leeyahay ee Dawladdu aad ha uga hawl-gasho, oo wixii huba ah ee la haysto iyadu ha la wareegto”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here